Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir JUXA oo war cusub ka soo saaray xiisadda PUNTLAND

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha dowlad goboleedka Puntland, Cabdi Faarax Saciid (Juxa) ayaa markale ka hadlay xaaladda maamulkaasi, gaar ahaan muranka hareeyey doorashooyinka oo ay isku hayaan Deni iyo ururada kale ee siyaasadda.

Juxa ayaa marka hore beeniyey wararka sheegaya in madaxtooyada ay waddo qorshe muddo kordhin horleh loogu sameynayo Saciid Deni, wuxuuna shaaca ka qaaday in arrintaasi aysan suuragal aheyn, isla-markaana la aadayo doorasho guud oo xalaal ah.

“Ku darsi miyaa jira, Eregayaas waa lasoo celceliyaa, Madaxweynaha wuu ka jawaabay oo waxa uu sheegay in uusan jirin, ku darsi ma jiro oo suuragal ma ahan, waxaa jirto doorasho oo dowladda ay raadineysaa” ayuu yiri wasiir Cabdi Faarax Saciid (Juxa)

Wasiirka ayaa sheegay inay cashir ka barteen dhibaatooyinkii horey u dhacay ee ka dhashay khilaafaadka doorashooyinkii horey u soo maray Puntland iyo dowladda dhexe.

Sidoo kale wuxuu ballan qaaday in ka wasaarad ahaan ay qaadi doonaan mas’uuliyadda doorasho ka dhacay Puntland oo lagu naaneyso hooyada federaalka Soomaaliya.

“Arrinta ku darsashada Puntland mar ayaa lasoo maray, saddexdii sano ugu dambeysay markii maandheedka uu dhacay ee ahayd in laga gudbo ee laga gudbi waayay wixii ka dhacay waynu ogeyn, boqolaal wiil ayaa ku dhimatay, cashar qaraar oo lasoo maray weeye, soorasho ayaa jirto, dowladduna taas ayay qaadaneysaa” ayuu markale hadalkiisa raaciyey.

Puntland wajahayso qalalaase ka dhashay doorashooyinka lagu muransan yahay ee tooska ah, waxaana magaalooyinka qaar ka dhacay dibadbaxyo, sida magaalada Boosaaso.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse Deni ayaa waxaa heysta culeys aad u xoogan oo uga imaanayo reer Puntland oo ay xittaa ku jiraan madaxdii hore ee maamulkaasi.

The post Wasiir JUXA oo war cusub ka soo saaray xiisadda PUNTLAND appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this