Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubaland oo sheegtay in la soo af-jaray weerarkii Hotel Tawakal

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20221023_202042046.png

Telefishinka Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa sheegay in la soo af-jaray weerarkii Al-shabaab ku qaadday Hotel Tawakal Kismaayo.

Telefishinka Jubaland TV ayaa sheegay in dhammaan la dilay kooxdii weerarka fulisay ee ka dagallamayay gudaha Hoteelka.

Ugu yaraan afar qof oo rayid ah ayaa la xaqiijiyey in ay ku dhinteen weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen hoteelka Tawakal ee magaalada Kismaayo.

Weerarkan oo dhacay waxyar kadib salaaddii duhur ee maanta ayaa ku bilowday qarax kadibna koox hubaysan ayaa galay huteelka.

PUNTLAND POST

The post Jubaland oo sheegtay in la soo af-jaray weerarkii Hotel Tawakal appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this