Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Xasan Sheekh oo shirka Jabuuti kusoo bandhigay qorshaha Soomaaliya ee…

Recommended Posts

Deeq A.   

Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad ka jeediyey shirka deegaanka iyo isbaddalka cimilada ee Jabuuti ayaa soo bandhigay qorshaha Soomaaliya ee ku aadan ka hortaga xaalufinta iyo nabaad-guurka deegaanka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale dul istaagay saamaynta baaxada leh ee isbedelka cimiladu ay ku yeelatay guud ahaan gobolka, gaar ahaan Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay inay lagama maarmaan tahay in wadamada gobolku ay yeeshaan wada-shaqeyn dhow oo wax looga qabanayo caqabadaha ka dhasha cimilada isbadalaysa.

“Soomaaliya waxa ay ku jirtaa xaalad abaareed kaddib markii afar xilli roobaad oo isku xiga ay baaqdeen sababo la xiriira isbeddelka cimilada. Waxaan xoogga saaraynaa wax ka qabashada xaalufinta deegaanka oo sal u ah mushkiladda dunida oo dhan saameysay ee isbaddalka cimmilada,” ayuu yiri.

Waxa uu intaasi kusii daray “Waxaa dhawaan daah-furnay Hindisaha Qaran ee Soomaaliya Cagaar ah, kaasi oo mudnaan gaar ah siinaya daryeelka dhirta, dib u cagaarinta dalka iyo kobcinta wacyiga dadweynaha ee ilaalinta deegaanka.”

Shirka deegaanka iyo isbaddalka cimilada ee Jabuuti oo kasoo qeyb-galeen wafuud heer caalami iyo kuwa ka socday dalalka gobolka, ayaa waxa la iskula meel dhigay tallaabooyin wadajir ah oo wax looga qabanayo saameynta isbeddelka cimilada ee wadamada gobolka.

Ugu dambeyntiina Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhigiisa Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dhanka kale si wadajir ah xariga uga jaray xarunta cilmi baarista deegaanka oo laga hirgaliyey dalka Jabuuti.
Xasan-Sheekh-6.jpeg Geelle.jpeg Xasan-iyo-Geelle.jpeg Xasan.jpeg Salaad-Cali-Jeelle.jpeg 311152575_503464405158037_47109416039079 312570858_503464348491376_43116256139584 311171496_503464145158063_53241267338468

The post Sawirro: Xasan Sheekh oo shirka Jabuuti kusoo bandhigay qorshaha Soomaaliya ee… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this