Sign in to follow this  
Deeq A.

Askartii ku dhaawacantay dagaalkii Masaajidka Cali Guduud oo la keenay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa la keenay dadkii kusoo dhaawacmay dagaalkii cuslaa ee Sabtidii shalay ka dhacay deegaanka Masaajid CaliGuduud ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo u dhexeeyey ciidamada dowladda oo kaashanaya maleeshiyaadka deegaanka iyo kooxda Al-Shabaab.

Dadka dhaawacyada ah ee la keenay Muqdisho ayaa isugu jiro askar iyo dad shacab ah, waxaana la geeyey isbitaalka Xoogga dalka oo haatan lagu dabiibayaa xaaladooda.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhaawacyada ku booqday isbitaalka, isaga oo u rajeeyey caafimaad deg-deg ah.

Madaale ayaa sidoo kale ku baaqay in lo midoobo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab oo haatan xoogiisa uu ka socdo gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

“Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan ugu baaqay in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah Kooxaha Argagixisada, isla markaana Ciidanka Qaranka lagu garabsiiyo sidii guud ahaan dalka loogu xoreyn lahaa Kooxaha Khawaarijta ee banneystay nafta, maalka iyo sharafka ummadda Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale xaalada Masaajid Caliguduud ayaa weli kacsan waxaana lagu soo warramayaa in labada dhinac oo dib u garasho sameeyey ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan halkaasi.

Shabeelaha Dhexe oo hoostaga dowlad goboleedka HirShabelle ayaa waxaa ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda, kuwa HirShabelle oo sidoo kale garab ka helaya maleeshiyaadka Macawiisleyda.

Si kastaba, saraakiisha ciidamada Xoogga dalka ayaa shaaca ka qaaday in duulaankooda uu ku wajahan yahay saldhigga ugu ee Al-Shabaab oo ku yaalla degmada Aadan Yabaal.

311692816_496000782577218_54982090939741 312595313_496000809243882_46874286309265 Duqa-Muqdisho-Yuusuf-Xuseen-Jimcaale-oo-312096137_496000885910541_83680390767673

The post Askartii ku dhaawacantay dagaalkii Masaajidka Cali Guduud oo la keenay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this