General Duke Posted May 13, 2006 Dagaal lagu hoobtey oo galabta ka dhacay agagaarka Buuhoodle Buuhoodle- 13.May.2006 Wararka ka imaanaya degmada Buuhoodle ee Gobolka Cayn ayaa waxay sheegayaan in dagaal qaraar oo dhimasho iyo dhaawac dhaliyey uu galabta ka dhacay Tuulada Aangalo 35 KM u jirta degmada Buuhoodle hase yeeshee ka taal dhulka loo yaqaan Hawd ee gobolka Wardheer ee dhulka Soomaaliya ee Itoobiya maamusho. Iska horimaadkan ayaa wararku sheegayaan in uu dhexmarey laba beelood oo ka mid ah beelaha dega Gobolka Cayn, waxaana ku dhintey ugu yaraan 9 qof halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo dad ah. Wariyaha SBC ee degmada Buuhoodle Xuseen Aadan Yuusuf ayaa soo sheegaya in iska horimaadkan galabta dhacay loo adeegsadey noocyada kala duwan ee hubka, iyadoo wararku sheegayaan in dagaalkaasi uu dhexmarey dad xoolo dhaqato ah. Magaalada Buuhoodle waxaa caawa si weyn looga dareemayaa xiisadan dagaal ee galabta ka dhacdey Tuulada Aan-galo, iyadoo ay jiraan dadaal balaaran oo ay wadaan duqeyda dhaqanka iyo waxgaradka deegaankaasi oo ku aadan sidii loo joojin xiisaha dagaal, isla markaana looga wadahadali lahaa dhimashada iyo dhaawaca galabta dhacdey. Xuseen Aadan Yuusuf SBC Buuhoodle. Quote Share this post Link to post Share on other sites