Sign in to follow this  
Deeq A.

Daadad ku soo rogmay magaalada Qardho

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16664743821043349.jpg

Magaalada Qardho waxaa caawa markale si kedis ah ugu soo rogmay daadad xoogan, ilaa saddex tog oo magaalada ku soo dhaca ayaa biyo meelo fog ka yimid ku soo rogay.

Muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya dad ku go’doonsan xaafado ka mid ah magaalada Qardho iyo kuwo la badbaadinayo, weli la oga inta uu le’egyahay khasaaraha ay geysteen daadadkaas.

Bishii April 2020, daadad xoogan oo ku soo rogmay magaalada Qardho ayaa geystay khasaare weyn, waxaana shacabka Soomaaliyeed gurmad dhan walba ah u fidiyeen shacabka Qardho.

Hase ahaatee dhaqaalihii xiligaas loo ururiyay magaalada Qardho oo gaarayay malaayiin doolar, lana rabay in magaalada biyaha looga xiro, ilaa iyo hadda ma jirto wax lagu qabtay.

PUNTLAND POST

The post Daadad ku soo rogmay magaalada Qardho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this