Sign in to follow this  
Deeq A.

Ninkii Trump Ka Caawiyay In Uu Madaxweyne Noqdo Oo Xabsiga Loo Taxaabay.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Ninkii arrimaha istaraatiijiyadda u qaabilsanaa madaxweynihii hore ee Mareykanka Trump, Steve Bannon ayaa lagu riday xukun 4 bilood ah oo xabsi ah kadib markii uu diiday in uu hoggaansamo aqalka Koongareeska.

Bannon oo 68 jir ah ayaaa bishii July lagu riday laba xukun ah oo kala ahaa in uu diiday in uu caddeymo ama dokumentiyo u gudbiyo guddigii baadhayay rabshadihii ka dhacay xarunta Capitol ee Mareykanka 1-dii bishii January 2021-kii.

Marka laga sootago xukunka xabsiga ah, Bannon waa in uu bixiyaa ganaax gaadhayo $6,500 oo dollar.

Steve Bannon ayaa beeniyay in wax dambi ah uu galay.

Garsoore Carl Nicholas ayaa sheegay in Bannon la sii deyn doono isla markaana la xallin doono racfaan kasta uu ka qaadanayo xukunka lagu riday.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this