Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyhihii Horyaal Tv Maxamed Cismaan Mire Sayid Oo Geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   

Alle ha u naxariisto Maxamed Cismaan Mire Sayid Guddoomiyhihii Horyaal Tv ayaa goor-dhawayd ku geeriyooday magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya oo uu xaalad caafimaad loo geeyay.

Wariye Axmed Saciid Cige ayaa ka hadlay geerida Maxamed Cismaan Mire Sayid waxaanu ku yidhi qoraal uu soo saaray sida tan:

“Ilaahay ha u naxariisto Maxamed Cismaan Mire {Sayid} oo ahaa gudooyihii Horyaal TV oo caawa 22.10.2022 ku geeriyooday cisbitaal ku yaalla magaalada adis-ababa ee Ehiopia .

Saxafi sayid wuxuu ahaa shakhsiyad aad uga soo dhexbaxay saxaafadda hargeysa . wuxuu ka mid ahaa masuuliyiintii warbaahintii xisbiga kulmiye xilligii dheeraa ee uu mucaaridka

ahaa . kadibna wuxuu noqday guddoomiyihii wargeyska DAWAN

ee wasaaradda warfaafinta somaliland ee ku hadla afka dowlada

xilligii Madaxweyne Axmed Siilaanyo . sayid ilaah ha u naxariistee

wuxuu aasaasay markaa kadib Telifishanka caanka noqday ee ‘Horyaal Tv’ ee saldhigiisu yahay magaaladan hargeysa .

Bishan Oktoober dhexdeedii ayaa xanuun ku soo booday oo loo

qaaday magaalada Adis ababa 16.10.2022 halkaasoo oo uu caawa

ku geeriyooday . wuxuu ahaa saxafi dhiiran oo aad u jeclaa mehnada saxaafada oo in badan aannu kulanay isagoo iga

raadinayay aqoon korodhsi .

waxaan tacsi u dirayaa xaaskiisii, caruurtiisii , qoyska oo dhan , bahda saxaafadda iyo daawadayaashii ku xidhna horyaal Tv .

SAWIRKA ; Photo file , Marxuum Maxamed Cismaan Mire {sayid}

iyo anigoo Axmed Saciid Cige ah . hargeysa , 25.12.2021 .”

Dhan kale Murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa isaguna ka hadlay geerida Marxuum Maxamed Cismaan Mire (Sayid)

Waxaanu yidhi sida tan:

“Waa geeri naxdin leh, waxa aan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan qoyska, ehelada, waayeelka, waxgaradka, bahda Saxaafadda, asxaabta iyo Shacabka reer Somaliland geerida ku timid ALLE ha u naxariistee Suxufigii weynaa, Guddoomiyihii Telefishinka Madaxa bannaan ee Horyaal TV Marxuum Maxamed Cismaan Mire (Sayid) oo goor dhaweyd ku geeriyooday Caasimadda Ethiopia ee Addis Ababa.

Marxuumka geeridiisa waxa ay banneynaysaa kaalin mug weyn oo uu ka qaadan jiray Saxaafadda madaxa bannaan iyo u hiilinta xorriyadda hadalka, Ilaahayna waxa aan uga baryeynaa in uu Jannatul firdowsa ku casuumo, dambigiisana dhaafo, innagana samir iyo iimaan innaga wada siiyo. Aamiin.”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this