Sign in to follow this  
Deeq A.

Raysal Wasaarihii Hore Ee Pakistan Imran Khan Oo Muddo Shan Sanno Ah Laga Ganaaxey Siyaasadda

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga doorashada Pakistan ayaa shalay oo jimco ahayd go’aamiyay in ra’iisul wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan laga joojin doono inuu ka shaqeeyo xafiis siyaasadeed ama u tartamo muddo shan sanno ah.

Madaxa ECP Sikandar Sultan Raja wuxuu sheegay in Khan loo diiday arrimaha siyaasadda maadaama uu ku lug yeesho “ka shaqeynta musuqmaasuqa”

Guddiga ayaa sheegay in go’aankooda uu salka ku hayo in Khan uu “hadallo been abuur ah sameeyay” oo ku saabsan hadiyadaha ay u soo direen hoggaamiyeyaasha Sacuudi Carabiya iyo Dubai intii uu xilka hayay – dambigaas oo sharci darro ah sida uu dhigayo dastuurka dalkaas. .

Waxaa jiray ciidamo aad u badan oo booliis ah oo ku sugnaa bannaanka xafiiska guddiga doorashada ee caasimadda Islamabad Jimcihii, waxaa la filayey mudaaharaadyo ay dhigayaan taageerayaasha Khan. Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ayaa lagu soo daadiyay guud ahaan magaalada iyo Aaga Cas, kuwaas oo ku waardiye ka haya xarumaha waaweyn ee dowladda oo ay ku jiraan guddiga doorashada, waxaana inta badan la xidhay isu socodka dadka iyo gaadiidka.

Shir jaraa’id oo ay qabteen isla markii ay ku dhawaaqeen ECP, hoggaamiyeyaasha xisbiga Khan, Pakistan Tehreek-e-insaf (PTI), waxay sheegeen inay arrinta u gudbin doonaan maxkamadda sare ee Islamabad, iyagoo ku andacoonaya in go’aanka ECP uu ahaa “mid xag-jir ah. ”

Hogaamiyaha PTI Fawad Chaudhry ayaa sheegay Jimcihii in tani ay tahay “bilawga kacaanka” wuxuuna ugu baaqay taageerayaasha inay “ka soo baxaan guryahooda oo ay u soo baxaan wadooyinka si ay u ilaaliyaan dastuurka.”

Imran Khan ayaa leh taageerayaal aad u badan, waxaana cabsi laga qabaa in mawjado mudaaharaadyo ah dalkaas ay ka dilaacaan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this