Sign in to follow this  
General Duke

Baido: July 1st celebrations

Recommended Posts

875.jpg

 

Baydhabo: Magaalada baydhabo oo maanta laga xusay 1-da Luulyo

1. July 2007

 

APL

 

Baydhabo(AllPuntland)- Waxaa maanta ka dhacay garoonka K/cagta ee magaalada Baydhabo munaasabad weyn oo lagu maamuusayey 1-da Luulyo oo ku began markii Koonfurta Soomaaliya ay ka xorowday gumeystihii Talyaaniga isla markaana ay la midoobeen goboladii Waqooyi ee dalka .

 

Munaasabadaas oo ay ka soo qeybgaleen mas’uuliyiin ka socotay dowladda Federaalka iyo maamulka gobolka Bay ayaa ugu horeyn waxaa ka hadlay Guddoomiyaha gobolka Bay Md. Maxamed Maxamuud Aadan (Barbaar) kaasoo hambalyo u diray shacbiga Soomaaliyeed isla markaana ku dheeraaday Taariikhdii loo soo maray halganka ee lagu gaaray xornimada dalka isagoo ku faanay in dadka reer Bay ay ahaayeen horseedayaashii Leegada ee SYL.

 

Sidoo kale Guddoomiyaha degmada Baydhabo Axmed Mahdi ***** oo isaguna munaasabadaas ka hadlayey ayaa sheegay in maanta nasiib wanaag ay tahay in magaalada Baydhabo oo weli fariisin u ah golaha Baarlamaanka xalay iyo maantaba ay ka dhacaan munaasabadan qaaliga ah ee kowda Luulyo.

 

Waxaa kaloo halkaasi hadal ka jeediyay Taliyaha Gaaska gobolka Bay G/Sare Faarax Cabdulle Gacal (Garam-Garam) ayaa isaguna dhankiisa ka sheegay in ay lagama maarmaan ay tahay in wax laga qabto sugida amniga intaa kadibna ay suurtagal tahay in shacbiga iyo mas’uuliyiintuba ku soo bandhigi karaan shucuurtooda wadaninimo, iyadoo halkaasina ay socod gaada ka cayaar ahi ka dhigayeen cutub ka tirsan dugsiga tababarka Daynuunaay.

 

Gabagabadii munaasabadaas oo ay heeso ka qaadayeen Fannaaniinta reer Bay oo iyaguna halkaasi ku soo bandhigay suugaan ka turjumeysay halgankii Xornimada iyo dhaqdhaqaaqii Leegada taasoo soo jiidatay dadweynihii faraha badnaa ee isugu soo baxay Garoonka K/cagta ee Baydhabo.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Baydhabo:-(KP)DFKMG ah maamulkeeda Gobolka Bay oo sheegay in abaal marin la siin doono cidii soo sheegta koox argagaxiso ah .

 

Maamulka gobolka Bay ayaa maanta daboolka ka qaaday qof waliba oo ku dhaqan magaalada Baydhabo la abaal marin doono hadii uu soo sheego kooxo ku guda jira falal argagixiso oo ka dhan ah maamulka gobolka.

 

Gudoomiyaha gobolka Bay Max'ed Max'ud Bar Baar oo maanta duhurkii ka hadlay isu soo bax lagu maamuusayay maalinta 1-da Luulyo oo ka dhacay Isbartiibada Baydhabo,ayaa u sheegay dadweyne aad u fara badan in ay qeyb ka qaataan adkeynta amaanka guud ee gobolka.

 

Xaaji Barbaar waxaa dhinaca kale uu sheegay in bandowgii saarnaa magaalada Baydhabo oo xalay la khafiifiyay iminka caadi lagu soo celiyay isla markaana bandowga uu shaqeynayo cidii jabisana sharciga la horkeeni doono.

Masuuliyiin kamid ah Saraakiisha Cidamada Booliska oo iyana ka hadlay dibad baxa ka dhacay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in shacbiga magaalada ay muhim tahay in ay ka qeyb qaataan adkeynta amaanka magaalada,iyo la dagaalanka waxa uu ku sheegay Qas wadayaasha ku jira Baydhabo.

 

Xafiiska wararka ee Kismaayopost.com,Baydhabo,Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this