Sign in to follow this  
Deeq A.

Qoyska Cabaas Siraaji oo qoraal soo saaray kadib xukunkii maanta la fuliyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Caasimada Online) – Qoyska Allaha u naxariiste wasiirkii hore ee howlaha guud iyo dib u dhiska Soomaaliya Cabaas Siraaji ayaa bayaan ay soo saareen kusoo dhaweeyay xukunka dilka ah ee saaka lagu fuliyay Axmed Cabdullaahi Ceydiid.

Bayaanka kasoo baxay qoyska ayaa lagu sheegay in maanta “ay caddaaladdii timid” kadib muddo dheer ay raadiyeen. Qoyska waxay u mahadceliyeen cid kasta oo ku lug laheyd dadaalladii caddaaladda loogu raadinayay Marxuum Cabaas Siraaji.

Halkaan hoose ka akhriso war-saxaafadeedka kasoo baxay qoyska

Qoyska Xaaji Cabdulaahi Sheekh Siraaji oo ah qoyska uu ka dhashay Allah ha u naxariistee Marxuum Wasiir Cabaas Xaaji Cabdulaahi Sheekh Siraaji waxa uu soo dhaweenayaa qisaastii maanta oo ay taariikhdu tahay 22-October-2022 lagu fuliyey gacan ku dhiigle Axmed Cabdulaahi Cabdi Caydiid oo si bareer ah u dilay Marxuum Cabaas bishii May 03, 2017.

Qoyska waxa uu muddo dheer raadinayey cadaalad u helida Marxuum Cabaas, balse maanta ugu dambeyn, cadaaladii ayaa timid.

Qoyska waxa uu u mahadcelinayaa Maddaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta xaqiijiyay in ay Soomaaliya caddaalada ka shaqeyso, sidoo kale waxaa qoyska halkaan ugu mahad celinayaa Saraakiisha sare ee Maxkamada Ciidamada Qalabka sida iyo guud ahaan hay’adihii dowliga ay howshaan khuseeysay.

Ugu dambeyn, waxa uu qoyska Xaaji Cabdulaahi Sheekh Siraaji halkaan ugu mahadcelinayaa cid kasta oo qayb ka aheyd geedigii lagu raadinayey cadaalada Marxuum Wasiir Cabaas Cabdulaahi Sheekh Siraaji – waxaana leenahay mar walba garab istaagiina waxa uu noo ahaa qiimaha ugu weyn.

Soomaaliya Soomaali baa leh, Bulshana waxa ay ku wada noolaan kartaa Cadaalad.

The post Qoyska Cabaas Siraaji oo qoraal soo saaray kadib xukunkii maanta la fuliyey appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this