Sign in to follow this  
Deeq A.

Ninkii Dilay Wasiir Siraaji oo La Toogtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa xukun dil toogasho ah ku fulisay dable Axmed Cabdullaahi Cabdi Caydiid, kaas oo shan sano ka hor dil u gaystay wasiirkii howlaha guud ee dowladda federaalka Cabaas Cabdullahi Siraaji.

Dilka wasiirka oo ka dhacay agagaarka madaxtooyada qaranka ayaa la geystay bishii May ee 2017, waxaana maxkamadda ciidamada qalabka sida ay eedeysanaha ku xukuntay dil toogasho ah.

Eedeysane Caydiid ayaa xilliga uu dilka gaysanayay la socday Hantidhowrihii xilligaas Nuur Faarax Jimcaale, waxaana maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo midda sare ay bilihii June iyo July ay si isku mid ah eedeysanaha ugu xukumeen dil toogasho ah.

Maanta oo ay ka soo wareegatay shan sano iyo dheeraad, ayaa lagu fuliyay xukunkii maxkamadda Axmed Cabdullahi Cabdi Caydiid.

Halkan Ka Akhriso, Taariikhda Marxuum Siraaji:

Xil. Cabaas Cabdullahi Sheekh Siraaji: Wasiirkii Howlaha Guud & Dib-u- Dhiska: waxaa uu u dhashay Digil iyo Mirifle, waxaa uu dhashay 1986-dii, in ka badan 20 sano waxaa uu ku noolaa xeryaha qaxootiga ee Kenya, Xerada IFO ayuu uga baxay dugsi sare, shahaadada koowaad waxaa uu diyaariyay Cilmiga Computer-ka, Jaamacadda Nairobi ee dalka Kenya, waxaa uu ka mid noqday xildhibaannadii lagu soo doortay Kismaayo, Xukuumadda Xasan Khayre ayaa loo magacaabay wasiirka howlaha guud iyo dib u dhiska, maanta ayaa lagu dilay Muqdisho

Goobjoog News

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this