Sign in to follow this  
General Duke

Aydeed Jr Pushed out ?

Recommended Posts

Gacan ku heynta Xaruntii hore ee Villa Somalia oo lawareegay Isbaheysiga Argagixiso ladirirka

Posted to the MOL April 20, 2006, 6:00 am

 

 

Mid ka mida asaasayaasha Isbaheysiga argagixiso La-dirirka, kana soo jeeda Beesha Sacad ayaa shaaca ka qaaday inuu la wareegay xarunta Villa Somalia ee magaalada Muqdisho (Madaxtooyadii hore), isla markaana Isbaheysigu halkaas u degay si uu ammaanka magaalada Muqdisho u sugo.

 

Cabdi-shurkri Cali Xersi oo ay isku jufo yihiin Wasiirka arrimaha Gudaha kana mid ahaa hoggaamiye kooxeedyada Muqdisho Xuseen Maxamed Ceydiid ayaa Warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in Xisbigiisa si weyn loogu soo dhoweeyay xarunta Villa Somalia, isla markaana dhalinyaradii joogtay ee gacanta ku heysay ku soo dhoweeyeen isaga.

 

Siyaasigan oo ah ganacsade siyaasadda ku cusub ayaa in dhoweydba kadib aasaaskii Isbaheysiga argagixiso la-dirirka ku howlanaa inuu buuxiyo booskii Xuseen Ceydiid oo sababo aan la ogeyn looga waayay masraxa siyasaadda Bilihii ugu danbeeyay.

 

Siyaasigani Cusub ee isku soo shaacbixiyay Isbaheysiga Argagixiso ladirirka C/shukri Cali Xersi ayaa bilaabay dhaq dhaqaaq xoogan oo uu kudoonayo in uu kula wareego dhammaan goobaha iyo ciidamada uu horey gacanta ugu hayay ama uu taakuleyn jiray Xuseen Ceydiid, waxayna wararku sheegayaan in C/shukri uu qorsheynayo in uu furo xero lagu tababaro Maleeshiyo Cusub oo Ilaalo u noqota.

 

 

Mudugonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Villa Soomaaliya iyo Villa Baydhabo ayee isku qaldooyaan.

 

Filla Soomaaliya Wardhiigleey ee ku taalay, oo kooxda Xuseen Max'ed Faarax Caydiid wali xukumo, oona beyniye warkaan. Filla Baydhabana degmadda Wadajir ee ku taalaa, aaga Isbitaal Madiino, waana meesha ee soo dageen xulafadda Cabdishukri.

 

And whatever happened to him, that is Xuseen Caydiid? Waa ku wareeray siyaasadda qalifsan, I see. Xaa markii hore kasoo celiye Mareykanka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this