Deeq A. Posted October 22, 2022 Gaalkacyo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray dekedda Garacad ah oo ah deked casri ah oo laga hirgeliyey gobolka Mudug. Munaasabadea daahfurka ayaa waxaa ku sugnaa mas’uuliyiin kala duwan, sida madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cagjar, wufuud ka kala socota dalalka Kenya iyo Itoobiya. Madaxda madasha ka hadashay ayaa intooda badan qiray inay dekeddan wax badan ka beddeli doonto dhaq-dhaqaaqa ganacsiga ee dalka, gaar ahaan isku xirka Soomaaliya iyo Itoobiya. Dekedda Garacad ayaa ah dekeddii ugu horreysay oo ay maalgashtaan ganacsato Soomaaliyeed, waxaana la dhagax dhigay sannadkii 2017-kii. Waa dekaddii shanaad ee ay Soomaaliya yeelaneyso, waxaana lagu maalgaliyay in ka badan 300 milyan oo dollar, ayada mashruucaan uu noqday kii ugu weynaa ee dalka laga hirgeliyo burburkii kadib. Dekedda Garacad ayaa sidoo kale muhiim u noqon doonto isku xirka ganacsiga Soomaaliya iyo Ethoipia, maadaama ay tahay dekedda ugu dhow ee xigta dhinaca Ethiopia. Puntland ayaa sheegtay in dhismaha dekedda uusii socon doono, maadaama haatan wejigii labaad uun lasoo gabagabeeyey, kaas oo qaatay muddo 5 sanno oo xiriir ah. The post Dekedda GARACAD oo xarigga laga jaray + Sawirro appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites