Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada dowladda oo la wareegay deegaanka Masaajid Cali Guduud

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay gudaha u galeen deegaanka Masaajid Cali Guduud oo ka tirsan gobolkaasi.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay inoo sheegay in goordhow ay ciidamada gudaha u galeen deegaankaasi, kadib markii ay isaga baxeen xoogaga Al-Shabaab oo muddo ku sugnaa halkaasi.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in wax iska caabin ah aysan la kulmin ciidamada dowladda, islamarkaana ay si nabdoon kula wareegeen Maasjid Cali Gaduud oo ah deegaan muhiim ah oo dhaca gobolka Shabeelaha Dhexe.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay inay sii socon doonaan, islamarkaana ay u dhaqaaqi doonaan dhanka degmada Aadan Yabaal oo uu ku yaallo saldhigga ugu weyn ee kooxda Al-Shabaab.

Deegaanka Masaajid Cali Guduud oo ay maanta qabsadeen ciidamada dowladda ayaa waxaa dhowaan Al-Shabaab ay kusoo bandhigtay odayaal hubeysan oo sheegay inay iska difaaci doonaan ciidamada dowladda, balse lama oga waxa hadda isbedalay, maadaama ay isaga baxeen halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana dadka deegaanka ay cabsi ka muujinayaan in dagaal uu ka qarxo deegaankaasi, maadaama haatan laga dareemayo dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeedo.

Howlgallada ka socdo Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa laga gaaray guullo waa weyn, kadib markii ciidamada dowladda oo saldhig ka sameystay degmada Cadale ay deegaano horleh kala wareegeen kooxda Al-Shabaab.

The post Ciidamada dowladda oo la wareegay deegaanka Masaajid Cali Guduud appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this