Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda Ciidamada Soomaaliya oo saaka toogatay ninkii dilay Wasiir Cabbdaas Siraaji

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1666417065600.jpg

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saaka xukun dil ah ku fulisay Axmed Cabdullahi Cabdi oo  bishii May ee 2017 dilay wasiirkii howlaha guud iyo dib u dhiska xukumaddii ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre Allah ha u naxariistee Cabaas Cabdullaahi Sheekh Siraaji.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa hore xukun dil ah ku ridday Axmed Cabdullaahi Cabdi oo lagu helay inuu dilay wasiirkii howlaha guud iyo dib u dhiska xukumaddii ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre alle ha u naxariistee Cabaas C/llaahi Sheekh Siraaji.

Marxuum Cabaas ayaa 3-dii bishii May ee 2017 u dhintay rasaas ay fureen ilaalada hanti-dhowrkii guud ee xilka laga qaaday Dr. Nuur Faarax Jimcaale.

Cabaas Siraaji oo 31 jir ahaa ayaa sidoo kale ahaa wasiirkii ugu da’da yaraa xilligaas waxa uu kasoo laabtay xerada qaxootiga ee Dhadhaab oo uu ku soo barbaaray

PUNTLAND POST

The post Maxkamadda Ciidamada Soomaaliya oo saaka toogatay ninkii dilay Wasiir Cabbdaas Siraaji appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this