Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle oo gaaray degmada Maxaas

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo hogaaminaya xildhibaano heer federaal iyo kuwa dowlad goboleed iyo saraakiil ciidan ayaa gaaray magaaladda Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Socdaalka madaxweyne ku xigeenka ayaa ujeedkiisu yahay sidii loo dhiiri-galin lahaa kacdoonka shacabka ee dalka looga xoreynayo Al-shabaab gaar ahaan kuwa sugan deeganada gobolka Hiiraan.

Waxaa sido kale Degmada Maxaas Gaaray Xildhibaan Maxamed Abuukar Jacfar iyo saraakiil ciidan oo hogaaminayo kuwaasi oo kusii jeeda deegaanada Galgaduud, waxaa degmada kusoo dhaweeyay xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbalolshe iyo sido kale maamulka Degmada Maxaas.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle oo gaaray degmada Maxaas appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this