Sign in to follow this  
Deeq A.

Bannaan-baxyo ka dhan ah Reer Galbeedka oo ka bilowday Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   
20221022638019981822452558.jpg

Bannaan-baxyo waaweyn oo ka dhan ah Reer Galbeedka ayaa saaka ka bilowday guud ahaan waddanka Itoobiya sida ay ku warrantay warbaahinta dalkaas.

Caasimadda Addis Ababa iyo magaooyin kale oo ka tirsan Itoobiya ayay saaka ka socdaan bannaan-baxyadan oo lagu diiddan yahay fara-gelinta dalalka Reer Galbeedka ee arrimaha gudaha Itoobiya.

Dadkan banaanbaxyada samaynaya ayaa wata boorar ay ku qoran yihiin erayo muujinaya dareenkooda ku aadan sida ay u diiddan yihiin fara-gelinta la sheegay in dalalka Reer Galbeedku ku hayaan gudaha Itoobiya.

Banaanbaxyadan ayaa ku soo beegmay xilli dalalka reer galbeedku iyo hay’adaha caalamigu ay dowladda Itoobiya ku cadaadinayeen in ay joojiso colaadda ka taagan Gobolka Tigray islamarkaana wada-hadal lagu xalliyo colaadda Gobolkaas.

PUNTLAND POST

The post Bannaan-baxyo ka dhan ah Reer Galbeedka oo ka bilowday Itoobiya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this