Sign in to follow this  
Deeq A.

Shan sano kadib oo la toogtay ninkii diay wasiir Cabaas Siraaji

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa ugu dambeyn saaka aroortii hore toogasho ku fulisay Axmed Cabdullahi Cabdi (Caydiid) oo bishii May ee 2017 dilay wasiirkii howlaha guud iyo dib u dhiska xukumadda ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre Allah ha u naxariistee Cabaas C/llaahi Sheekh Siraaji.

Toogashada lagu fuliyey ninkan ayaa waxaa soo dhoweeyey ehelada wasiir Siraaji oo muddo 5 sano ah sugayey in cadaalad uu helo wiilkooda.

Axmed Cabdullahi oo saaka la toogtay ayaa ahaa askari ka tirsanaa ilaalada hanti dhowrihii hore ee qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale, wuxuuna dilka wasiirka ka dhacay agagaarka xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

AUN Cabaas Siraaji, oo 31 jir ahaa, ayaa sidoo kale ahaa wasiirkii ugu da’da yaraa xilligaas, waxa uu kasoo laabtay xerada qaxootiga ee Dhadhaab oo uu ku soo barbaaray.

The post Shan sano kadib oo la toogtay ninkii diay wasiir Cabaas Siraaji appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this