Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan la qaatay Madaxda hay’adda Qaxootiga Adduunka

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1666355666320.jpg

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  kulan la qaatay madaxa hay’adda Qaxootiga Adduunka (UNHCR) mudane Filippo Grandi.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la wadaagay Filippo Grandi xaaladda abaaraha dalka iyo qorshaha dowladda ee wax looga qabanayo dhibaatooyinka horseeday barakaca gudaha oo uu ugu horreeyo argagixisada.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladda ay ka go’antahay in waqti kooban dalka looga ciribtiro argagixisada, si gurmad loogu fidiyo shacabka tabaaleysan, waxa uuna ku bogaadiyey taageerada iyo garab istaagga hay’adda UNHCR ee shacabka Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Filippo Grandi ayaa soo dhaweeyay qorshaha dowladda ee wax looga qabanayo amniga, taasi oo fududeyneysa in dib u dajin iyo gargaarba loogu fidiyo barakacayaasha waxa uuna  ballanqaaday in ay kordhindoonaan dhaqaalaha lagula tacaalayo xaaladda abaaraha iyo barakacayaasha Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan la qaatay Madaxda hay’adda Qaxootiga Adduunka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this