Sign in to follow this  
Deeq A.

Turkiga oo aqbalay in uu xarun u noqdo gaaska dabiiciga ah ee Ruushka

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa saxiixay qorshaha madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ee uu ku doonayo in Turkigu uu xarun u noqdo gaasta dabiiciga ah ee Ruushka.

Erdogan ayaa sheegay in Turkigu uu sugayey fursaddan muhiimka ah, isagoo sheegay inuu ogolaaday qorshaha Putin.

Toddobaadkii hore madaxweyne Putin ayaa sheegay in gaasta dabiiciga ah loo wareejin doono dalka Turkiga lagana bedeli doono dhuumaha shidaalka ee Nord Stream ee dhex mara biyaha badda Baltic ee u dhaxaysa dalalka Yurub iyo Ruushka.

Ruushka ayaa hore gaasta u siin jiray dalka Turkiga, isaga oo u soo marin jiray dhuumaha shidaalka ee lagu magcaabo TurkSteam, kuwaas oo hoos mara biyaha badda Madow. Laakiin Kremlin ayaa qiratay in dhuumahaas shidaalku aanay lahayn awood ay ku qaadaan gaasta dheeriga ah.

PUNTLAND POST

The post Turkiga oo aqbalay in uu xarun u noqdo gaaska dabiiciga ah ee Ruushka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this