Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Madaxweyne Xasan oo qirasho ka sameeyey kulan ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay xiritaanka shirweynaha caalamiga ah ee Culuumta Shareecadda Islaamiga ah, kaasi oo ay ka soo qeyb-galeen culumo iyo aqoonyahan ka socday gobolada iyo dalalka caalamka, ayaa qiray in dowladda federaalka ay ka gaabisay doorkeedii diinta ku aadanaa.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyntii culimada Soomaaliyeed ku bogaadiyey sida ay uga go’an tahay muujinta been abuurka ka dhanka ah diinteenna suubban ee Islaamka oo argagixisadu ay ku xalaashadeen dhiiga dadkeena.

“Waxa kaliya ee dadka Soomaaliyeed ay ku mideysan yihiin waa diinteenna suubban ee Islaamka. Dowladda oo gaabisay dowrkeeda ku aaddan diinta ayaa sabab u noqotay in argagixisadu ay ka faaiideystaan oo si khaldan ugu maran habaabiyaan dadka,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Maanta waxaa naga go’an in aan fasiradaas khaldan meesha ka saarno, dhaqankeenna bulsho iyo dowladnimo aan ku ilaalinno diinteenna suuban ee Islaamka.”

Madaxda xarumaha cilmu-baarista shareecada, maamulka macaahidda iyo goobaha lagu barto culuumta diinta Islaamka ee dalka ayaa madaxweynaha ku bogaadiyey sida ay uga go’an tahay horumarinta iyo tayeynta waxbarashada dalka, gaar ahaan qeybta shareecada.

Sidoo kale waxay gudoonsiiyeen madaxweynaha billad sharaf ay ku maamuusayaan doorkiisa kobcinta waxbarashada dalka.

Munaasibadaan ayaa waxa ka qeyb-galay Wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ee wasaaradda waxbarashada iyo tacliin sare Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, wasaaradda diinta iyo awqaafta Mudane Mukhtaar Roobow, culimo iyo aqoonyahano ka socday dalalka Jabuuti, Suudaan, Ciraaq, Nayjeriya, Al-jeriya iyo Itoobiya.

311599921_501237288714082_73785734409863 311483745_501237225380755_55546162512535 Xasan-Qoslaaye.jpeg Xasan-Sheekh-M-1.jpeg 311483757_501236948714116_46085646178946 Faarax-2.jpeg Roobow.jpeg 311572270_501237398714071_29853205195057 311692450_501236862047458_36469213231607 Madaxweyne-Xasan.jpeg 311576475_501237275380750_81534635104189 311572597_501236812047463_16080260059292 Xasan-Sheekh-Max.jpeg Daahir-Geelle.jpeg 311586829_501237205380757_81607822441974 311606260_501237078714103_25078397204590 Suldaan-Qorane.jpeg 311581961_501237922047352_80153195697090 312077337_501236978714113_41090514540825 Faarax-Cabdulqaadir.jpeg 311573626_501237855380692_41302265307926 311982600_501237665380711_63271217360838

The post Sawirro: Madaxweyne Xasan oo qirasho ka sameeyey kulan ka dhacay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this