Sign in to follow this  
Deeq A.

Saddex bil kadib heshiiskii Xasan Sheekh iyo Kenyatta, dhinaca guuleystay oo cad

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Tan iyo markii dib loo furay qaadka Miirooga ayaa waxay Kenya ka heshay dhoofintiisa lacag dhan 4 bilyan oo lacagta dalkeeda ah, oo u dhiganta lacag ka badan 8 Milyan oo dollar.

Madaxa Qaadka Miraa iyo Dalagyada kale ee warshadaha, Felix Mutwiri ayaa sheegay in Kenya illaa hadda ay dhoofisay 1.4 milyan oo kiilogaram oo qaadka Miirooga ah, kadib markii labada dal ay ka heshiiyeen dhoofintiisa.

“Waxaan ilaa hadda dhoofinay 1.46 milyan oo kiilogaram oo Miiro ah tan iyo markii aan dib u bilownay suuqa Soomaaliya bishii Luulyo, waxaana wali wadnaa wada-hadallo lagu kordhinayo tirada maalmaha soo socda,” ayuu yiri Felix Mutwiri.

Kenya ayaa Kiilada qaadka Miirooga ee Soomaaliya loo soo dhoofiyo waxay ka hesha lacag dhan $23 milyan.

Qaadka Kenya oo in muddo ah laga joojiyay gudaha Soomaaliya ayaa waxay dowladda federaalka ogolaatay bishii July in loo soo dhoofiyo dalkeena, kadib wada-hadalo ay yeesheen madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxweynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyatta.

Heshiiska ayaa waxaa qeyb ka ahaa in Soomaaliya ay iyana Kenya u dhoofiso kalluunka, sidoo kalena dadka Soomaaliyeed loo fududeeyo dal-ku-galka Kenya, qodobadaas oo weli aan la fulin, taasi oo caddeyn u ah in heshiiskaas ay ku guuleysatay Kenya, balse Soomaaliya aysan waxba ka faa’iidin.

Kenya ayaa dhaqaale badan ka hesha qaadka Miirooga ee loo dhoofiyo Soomaaliya, ayada oo hore u sheegeen beeraleyda qaadka ee dalkaas in khasaare lixaad leh uu ka soo gaaray xayiraadii ay kusoo rogtay dowladdii hore ee Farmaajo.

The post Saddex bil kadib heshiiskii Xasan Sheekh iyo Kenyatta, dhinaca guuleystay oo cad appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this