Sign in to follow this  
Deeq A.

Markab ganacsi oo markii u horraysay maanta ku xirtay dekedda Garacad

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1666338512228.jpg

Markab xamuul ah oo sida badeecad ganacsi ayaa markii u horraysay maanta ku xirtay dekedda Garacad ee Gobolka Mudug.

Inkastoo dekedda ay hore ugu soo xirteen maraakiib qalab dhisme u siday haddana markabkan waa kii u horreeyay ee badeecad ganacsi wada.

Markabkan oo lagu magacaabo AK Hamburg ayaa si nabdoon ugu xirtay dekedda si uu u dejijo badeecadda ganacsi.

Wejiga kowaad ee dekedda Garacad ayaa lagu wadaa in Sabtida berri ah la daah-furo waxaana ka qayb-galaya wufuud kala duwan.

PUNTLAND POST

The post Markab ganacsi oo markii u horraysay maanta ku xirtay dekedda Garacad appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this