Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaliya oo war ka soo saartay heshiiskii shidaalka ee shirkadda Coastline Exploration

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16663029342253461.jpg

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dib u habayn ku sameysay heshiiskii wadaagga wax-soosaarka shidaalka ee Wasiirkii hore Batroolka Cabdirashiid Axmed uu la saxiixday shirkadda Coastline Exploration.

Qoraalka ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa Garyaqaanka Guud ee Qaranka iyo sharci-yaqaanno caalami ah oo ku takhasusay arrimha heshiisyada shidaalka ay ku guuleysatay in dib loo saxo qodobbadii ay ka jirtay tabashada ee heshiiskaas.

FB_IMG_16663029511820205.jpg

Qoraalka ayaa lagu yiri “Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo gaba-gabeysay hannaanka toosinta iyo dhammaystirka heshiisyada wadaagga wax-soosaarka Shidaalka ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Shirkadda Coastline Exploration, si loogu saleeyo danta dalka”.

“Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo la kaashatay dib u habaynta heshiiskan Garyaqaanka Guud ee Qaranka iyo sharci-yaqaanno caalami ah oo ku takhasusay arrimha heshiisyada noocaan ah ayaa ku guuleystay in dib loo saxo qodobbadii ay ka jirtay tabashadu, taas oo dhabbaha u xaareysa in loo hirgeliyo heshiiskan si ay ku qanacsan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed” ayaa lagu daray.

FB_IMG_16663029459762120.jpg

Coastline Exploration waa magaca cusub ee shirkaddii Soma Oil and Gas oo uu Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre saamilaydeeda mar ka mid ahaa.

Tallaabadan ay qaaday Dowladda Federaalka ayaa timid xilli ay dhawaan Puntland sheegtay in hindise sharciyeedka batroolka ee la ansixiyay 2020 uu yahay mid ka hor-imanaya dastuurka kumeel gaarka ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaliya oo war ka soo saartay heshiiskii shidaalka ee shirkadda Coastline Exploration appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this