Sign in to follow this  
Deeq A.

Safaaradda Soomaaliya Ee Dalka Hindiya oo Dib Loo Furay

Recommended Posts

Deeq A.   
Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federalka Soomaaliya , Dr. Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) iyo Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Hindiya Dr. Axmed Cali Daahir ayaa si wadajir ah xariga uga jaray Xarunta cusub ee safaaradda Soomaaliya ee dalka Hindiya, taas oo dib u dayactir lagu sameeyay.
Munaasabad kooban oo xariga looga jarayay xarunta cusub ee safaaradda, oo lagu qabtay dhismaha cusub ee safaaradda magaalada New Delhi ee caasimadda dalka Hindiya, ayaa waxaa kasoo qeyb galay wasiir ku xigeenka wasaaradda Tamarta iyo kheyraadka biyaha dowladda Soomaaliya, Ibraahim Maxamed Cali,Taliyaha ciidanaka Boliiska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo diblomaasiyiin ka tirsan safaaradda.
Danjiraha Soomaaliya ee dalka Hindiya Amb. Axmed Cali Daahir ayaa xarunta Safaaradda kusoo dhaweeyay wafdiyadaan oo shirar kala duwan ujooga dalka Hindiya waxa uuna warbixin kooban ka siiyay xaaladda dhabta ah ee ay ku shaqayso Safaaradda iyo sida waqtiga kooban ee uu joogay ay ugu suurta gashay in uu sameeyo isbaddelkaan muuqda, isaga oo xusay in iskaashi uu la sameeyay bulshada Soomaaliyeed ay ku suurta gashay in hawshaan adag la qabto.
Wasiirka Amniga Gudaha Dr Doodishe iyo mas’uuliyiinta kale ayaa si wadjir ah ugu mahadceliyay guud ahaan bahda Safaaradda, gaar ahaan danjiraha oo qaatay masuuliyada adag oo aysan sahlaneyn in muddo kooban lagu hirgaliyo xafiis ballaaran oo ay Safaaraddu ku shaqayso, Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe soo celinaysay maqaabka ay ku leedahay caalamka iyadoo dib u furtay dhowr safaaradood oo caalamka ah.
311568038_518665420300069_42514338256896
311977495_518665360300075_42781416115261
312144307_518665350300076_46619493321198
311677104_518665373633407_64134818950993
311613923_518665370300074_88339355091228
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this