Sign in to follow this  
Deeq A.

Meydadka 25 Qof Oo Ahaa Tahriibeyaal Itoobiyaan Ah Oo Laga Helay Dalka Malawi.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Malawi)-Dowladda Malawi ayaa waqooyiga dalkaasi ka heshay xabaal wadareed ay ku jiraan hadhaaga 25 qof oo looga shakisan yahay inay ahaayeen tahriibayaal ka yimid Itoobiya, sida ay booliisku sheegeen Arbacadii.

“Qabrigan waxaa la helay goor dambe oo salaasadii ah, balse waan xidhay aagga, waxaana biloownay inaan maanta soo saarno, illaa hadda, waxaan helnay 25 mayd,” ayuu yidhi afhayeenka booliiska Peter Kalaya oo la hadlay AFP.

Booliska ayaa waxaa ku wargaliyay dadka tuulada ku nool deegaanka Mzimba oo qiyaastii 250 KM dhanka waqooyi kaga beegan caasimadda Lilongwe, kuwaas oo ka kor dhacay qabriga xilli ay malab kasoo ururinayeen meel kayn ah.

“Waxaan ka shakisanahay inay ahaayeen tahriibayaal sharci-darro ah oo loo waday Koonfur Afrika, iyadoo lasii marinayo Malawi,” ayuu yidhi afhayeenka booliiska Peter Kalaya.

Waxa uu intaasi ku daray in caddaymo laga soo ururiyay goobtaasi ay muujinayeen in dadka la dilay ay ahaayeen rag Ethiopian ah oo da’doodu u dhaxayso 25 ilaa 40 sanno jir.

Waxa ay boolisku sheegeen in meydadka la soo saaray la dhigay qolka meydadka lagu keydiyo si baadhitaan loogu sameeyo.

“Meydadka ayaa u muuqda in la aasay malaha wax aan ka badneyn bil ka hor,” ayuu raaciyay afhayeenka boolisku.

Malawi, waa marin caan ah oo ay maraan soogalootiga sharci-darrada ah ee ka yimaada Bariga Afrika ee loo tahriibiyo Koonfur Afrika — oo ah waddanka ugu warshadaha badan qaaradda iyo soogalootiga saboolka ah ee ka imanaya meelo kale oo qaaradda ah.

Booliisku waxay inta badan qabtaan gawaadhida xamuulka ah ee daabula dadka tahriibayaasha ah ee ku socoda Koonfur Afrika, iyagoo sii maraya Mozambique.

Afhayeenka booliska, Kalaya, waxa uu sheegay in intii u dhaxaysay bilihii January iyo September ee sannadkan ay gacanta ku dhigeen 221 tahriibayaal ah oo 186 ka mid ah ay ahaayeen Itoobiyaan.

Labo sanno ka hor mas’uuliyiinta socdaalka ee dalka Mozambique ayaa sameeyay baadhitaan naxdin leh, iyagoo helay 64 muhaajiriin ah oo ka yimid Itoobiya oo ku dhintay konteenar saarnaa gaadhi xamuul ah.

AFP.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this