Sign in to follow this  
Deeq A.

ITOOBIYA Oo Waajahayesa Cunaqabatayn Caalami Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa Arbacadii ku baaqday in cunaqabateyn dhinaca hubka ah iyo xayiraadyo lagu soo rogo shakhsiyaadka ku lugta leh dagaalka Itoobiya, si tallaabooyinkaas ay gacan uga geystaan ilaalinta dadka rayidka ah, xilli dagaalka halista ah ee Itoobiya uu ku sii xoogaysanayo gobolka Tigrayga.

Human Rights Watch waxay sheegtay in warbixinnada kasoo baxaya meelaha ay colaaduhu ka dhaceen ay ahaayeen kuwo “argagax leh.”

“Weerarradu waxay sababeen khasaare aan lasoo koobi karin oo soo gaadhay dad rayid ah, oo ay ku jiraan shaqaalaha gargaarka oo bixinayay cunnada, burbur hanti iyo barakac baahsan,” ayay tidhi agaasimaha Geeska Africa ee Humah Rights Watch Laetitia Bader oo hadal kooban ka jeedisay xaaladda Itoobiya.

“Keliya Eritrea oo xulufo la ah maahane waa in Ethiopia lagu soo rogo cunaqabatayn caalami ah, sababo la xidhiidha hab-dhaqankeeda colaadeed. Mareykanka iyo Midowga Yurub, iyo sidoo kale Golaha Ammaanka, waa inay adeegsadaan tallaabooyin ku habboon, oo ay ku jiraan cunaqabateynta la beegsanayo shakhsiyaadka ku lugta leh dagaalka iyo cunaqabateyn dhinaca hubka ah, si loo ilaaliyo rayidka halista ku jira,” ayay tidhi Bader.Salaasadii, Addis Ababa ayaa sheegtay inay qabsatay saddex magaalo oo ku yaalla gobolka waqooyi, halkaas oo ay dagaallo ku dhex marayeen xoogagga dowladda taageersan iyo TPLF tan iyo bishii Augusto kadib markii ay burburay xabbad-joojin hore loo gaadhay.

Walaaca caalamiga ah ee laga qabo dadka ku dhintay dagaalka ayaa isa soo taraya, iyadoo Qaramada Midoobay ay ku tilmaantay xaaladda mid faraha ka baxday oo sababtay khasaare badan oo soo gaaray dadka rayidka ah.

Guddiga Badbaadinta Caalamiga ah ee International Rescue Committee ayaa sheegtay in mid ka mid ah shaqaalihiisa uu ka mid ahaa saddex qof oo rayid ah oo lagu dilay weerar Jimcihii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Shire oo ay ku nool yihiin 100,000 oo ay gacanta ku dhigeen ciidamada Itoobiya iyo kuwa Erigrea kadib duqeyn joogta ah.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in dad rayid ah ay waxyeello kasoo gaadhay duqeymo dhanka cirka ah oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay magaaladaas.

Dawladdu waxay sheegtay howlgalkoodii ugu dambeeyay inay ka fogaatay dagaal ka dhacay magaalooyinka, isla markaana ay baari doonto cid kasta oo ka mid ah dadka rayidka ah oo uu soo gaadhay khasaare nafeed.

Balse waxaa jirta cabsi isa soo tareysa oo laga qabo in dadka rayidka ah ee ku nool magaalooyinka iyo tuulooyinka ay dib ula wareegeen ciidamada dowladda taabacsan ay halis ugu jiraan in ay geystaan falal dambiyo dagaal oo la mid ah kuwii dhacay biloowgii dagaalkan oo socda ku dhawaadd laba sano.

VOA + AFP

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this