Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabis sameeyay

Recommended Posts

Deeq A.   
PhotoCollage_20221020_184803574-scaled.jSaalax Dabaan (bidix) iyo Siciid Gurey (midig)

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magacaabay Guddoomiyeyaasha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir iyo Maxkamadda Gobolka Benaadir.

Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir waxaa loo magacaabay Garyaqaan Siciid Cali Maxamed (Gurey), halka Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Benaadir loo magacaabay Garyaqaan Saalax Cali Maxamuud (Dabaan).

Wareegto ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu magacaabistan sameeyay kaddib soojeedin ka timid Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabis sameeyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this