Jacaylbaro Posted June 19, 2007 Waraysi aanu la yeelanay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka, Mudane Axmed Xaashi Cabdi oo aan London waraysi kula yeelanay! Waraysigan oo koobana waxa uu u dhacay sidan hoos ku xusan S. Wasiir maxay ahayd u jeeddadaada booqashadaada London aad ku timid? J: Booqashadaydu waxa ay ahayd mid shaqo, taas oo ahayd in xukuumadda Somaliland lagu soo casumay shir caalamiya in ay kaga hadasho qaddiyaddeeda aqoonsiga, shirkaas oo ahaa mid ay yeeshaan, Liberal International British Group. Shirkan oo ah xisbiga Liberal Democrats-ku sannadkiiba hal mar ama laba jeer qaban qaabiyaan, Halkaasna waxaan ka jeeddiyey khudbad ku saabsan gooni isu taagga qaddiyadda Somaliland sida ay xaqa u tahay marka dhinac kasta laga eego. S. Maxay tahay natiijada ka soo baxday shirkaas? J. Runtii waxa ka soo baxay dhawr natiijo, marka hore , markii aan hadalka dhammeeyey waxa la I weydiiyey su’aalo aad u badan oo xiiso leh, oo aad arkaysay inaanay qaddiyaddiyadda Somaliland hore u fahamsanayn. Markaan jawaabahaygii dhammaystay, waxa caddaatay oo ka qayb-galayaashii shirkaasi aqoonsadeen, in gooni isu-taagga Somaliland yahay mid xaq ah maddaama uu yahay dal hore u jiray oo hore adduunku u aqoonsaday ee aanu ahayn dal dal kale ka go’aya, inuu cagahiisa ku taagnaa muddo 16 sano ah iyagoon caawimo caynkaas ah adduun ka helin iyo in Somaliland Geeska Afrika iyo Adduunka kaleba kala qayb qaadan qarto nabadgelyada iyo horumarinta dhaqaalaha. Waxa kale oo ka soo baxay in ka qayb galayaashii shirkaasi oo isugu jiray MP’s, Madax shirkado iyo madaxda Xisbiga Liberal Dimocrats ballan qadeen inay tagee doonaan kali iyo wadarba qaddiyadda madaxbannaanida Somaliland. Waxa kale oo ay go’aan sadeen inay wafdi u soo diri doonaan Somaliland si ay xaqiiqada indhaooda ugu soo arkaan. S. Cid kale ma la kulantay intii aad joogtay London ? J. Haa, waxa aan la kulmay Wasaaradda Horumarinta Caalamiga (DFID) iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalkan. S. Maxaad ka wada hadasheen Wasaaradahaas aad la kulantay.? J. Wasaaradda Horumarinta Caalamiga waxa aanu ka wada hadalnay kaalmada horumarineed ee Wasaaraddu siiso Somaliland sidii loo kordhin lahaa. Runtii Britain waxa ay hormuud ka tahay waddamada kaalmadooda toos u siiya Somaliland, waxanay noo sheegeen inay kordhinayaan taageeradooda, haddana ay bixiyeen laba mashruuc oo ku saabsan Waxbarashada iyo caafimaadka. Iyadoo dawladda Britain ka qaybqaadata kaalmada Guud ee EU-du siiso Somaliland ayey haddana bixiyaan mashaariic kale oo gaarah. Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxa aanu isaga xog warranay ololaha ictiraaf raadintu halka uu marayo iyo sidii ay Dawladda Britain uga taageeri lahayd Somaliland arrintaas. Waxa ay Somaliland ku ammaaneen ololaha xooggan ee ay ugu jirto sidii ay ictiraaf caalamaka uga heli lahayd gaar ahaan waddamada Afrika. Waxa kale oo ay ku boorriyeen dawladda Somaliland inay dadaalkooda halkaa ka sii wadaan. S. Axmed waxa aad joogtaa wasaarad aad dalka ugu muhiim ah, dadkuna indhaha idinku hayaan dhaqdhaqaaqiina, maxaad ilaa hadda qabateen wasaarad ahaan. J. Waa runtaa oo Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Isuduwiddu waa Wasaarad muhiim ah, Madaxda wasaaradduna waa ku cusub tahay laakiin ilaa hadda waxa aanu qabanay wax la taaban karo waxana ka mid ah: 1. Waxa aanu tubta toosan ku soo ridnay oo aanu hoggaankiisa la wareegnay mashruuc aad muhiim uga ah dalka, waa Mashruuca Dibu-dhiska iyo Horumarinta dalka oo shan sano ah(Reconstruction and Development Program), kaas oo markii u horreysay adduunku innagu taageerayo maalgelintiisa. Hadda waxa uu marayaa meel gebogebo ah oo waxaanu ka wada hadlaynaa habkii maalgelintiisa loo maamuli lahaa. 2. Waxa kale oo aanu gacanta ku haynaa diyaarinta Mashruuca Horumrinta dalka oo ka ballaadhan kaa hore koobanaya dhammaan baahiyaha dalka oo dhan, taas oo lala kaashan doono aqoonyahaniinta reer Somaliland ee dalka iyo dibaddaba 3. Waxa kale oo aanu wada jir u wadnaa annaga iyo Wasaaradda Maaliyaddu Maaraynta hantida Qaranka (Public Finance Management) taas oo la rabo in maamulka Hantida Qaranku noqoto mid xisaabtan leh is lamarkaana cad oo la arki karo (Accountability and transparency) iyo in la isku xidho miisaaniyadda dawladda iyo kaalmada caalamiga ah, taas oo ay innaga caawinayaan World Banka iyo UNDP. 4. Waxa aanu shir wada tashi layeelanay dhammaan Hayadaha Qaramada Midoobay sidii ay u xoojin lahaayeen xafiisyadooda Hargeysa iyo wada shaqaynta dawladda, sidii ay mashaariic horumarineed oo mideysan ugu samayn lahaayeen Somaliland, dhammaan qodobadaasna waan isla oggolaanay. 5. Waxa aanu ka caawinay samayntiisa Ururka (Somaliland Consultancy Services) oo hadda deggan Wasaaradda, kaas oo aanu u sheegnay ururrada caalimaga ah iyo Wasaaradaha Dawladduba inay isticmalaan adeegaas cusub intii ay cid kale dibadda ka keeni lahaayeen. 6. Kaalmaynta iyo isuduwidda taageerooyinkii dhaqaale iyo farsamoba ee loo geestay magaalooyinka Burco, Zeylac iyo Allay-Baday kuwaas oo daadadkii roobabkii gugu wax yeeleeyeen. 7. Waxa aanu markii ugu horreysay qabanay (Somaliland Statistical Conference) kaas oo ay ka soo qayb galeen dhammaan Wasaaradaha, Haya’daha madax bannaan, Hayadaha Caalamiga ah iyo kuwa waddanigaba, waxana lagu soo ururinayey xogta taalla Somaliland, nidaamka cusub ee xogururinta iyo kala tashiga xogwareysi la qaadi doono sannadka soo socda, (Socio-economic household survey.) Quote Share this post Link to post Share on other sites