Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wasaaradaha Waxbarashada DF iyo DG oo kulan ku yeeshay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan la qaatay wasiirada waxbarashada heer federaal iyo heer dowlad gobaleed.

Xasan Sheekh ayaa warbixin ku aaddan baahiyaha waxbarasho ee dalka ka jira ka dhageystay, waxaana uu sheegay in ay dowladda wax ka qabaneyso arrimaha waxbarashada dalka.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ahaa Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, Wasiirka Waxbarashada Dowladda Federaalka Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo Wasiirrada Dowlad-goboleedyada dalka.

“Waxbarashadu waa xuquuq aasaasi ah oo tahay in caruurteennu ay helaan. Waxa ay nagu tahay waajib in aan u diyaarinno ubadkeenna Soomaaliyeed waxbarasho iyo mustaqbal anfaca dadkeena iyo dalkeena.” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
311612367_500936192077525_27999089512091
311727018_500937068744104_14784418686287
311432824_500938708743940_20347933699961
311474234_500936195410858_16694724399528
311599762_500941502076994_33191799387828
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this