Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamul goboleedyada iyo DF oo ku heshiiyey 6 qodob

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya lagu soo gabagabeeyey shir u dhexeeyey dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada, kaas oo diiradda lagu saaray tayeenta hay’adaha waxbarashada eev dalka.

Shirkan oo socday intii u dhexeysay 16 illaa 18 bishaan ayaa lagu soo xiray Muqdisho, waxaana guddoomiyey Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Faarax Sheekh C/qaadir, iyada oo ay goobjoog ahaayeen wasiirada Waxbarashada ee shanta maamul goboleed ee dalka.

Xubnaha shirka ka qayb-galay ayaa soo saaray warmurtiyeed ka kooban illaa lix qodob oo ku aadan waxyaabaha ay ka wada-hadleen.

Sidoo kale waxay ku ballameen in la qabto shirweyne guud oo u dhexeeyo labada dhinac, kaas oo looga hadlayo dib u jiheynta waxbarashada dalka.

Qodobada lasoo saaray ayaa waxaa ugu muhiimsan:-In la joogteeyo kulamada u dhexeeyo wasaaradaha waxbarashada heer federaal iyo heer dowlad goboleed ee dalka.

-In la qabto Shirweynaha dib u jiheynta waxbarashada dalka.

-In dib u eegis lagu sameeyo sharciga waxbarashada dalka iyo siyaasada waxbarashada qaranka.

IMG-20221020-WA0002-1.jpg 6-1.jpg

The post Maamul goboleedyada iyo DF oo ku heshiiyey 6 qodob appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this