Deeq A. Posted October 20, 2022 Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya lagu soo gabagabeeyey shir u dhexeeyey dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada, kaas oo diiradda lagu saaray tayeenta hay’adaha waxbarashada eev dalka. Shirkan oo socday intii u dhexeysay 16 illaa 18 bishaan ayaa lagu soo xiray Muqdisho, waxaana guddoomiyey Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Faarax Sheekh C/qaadir, iyada oo ay goobjoog ahaayeen wasiirada Waxbarashada ee shanta maamul goboleed ee dalka. Xubnaha shirka ka qayb-galay ayaa soo saaray warmurtiyeed ka kooban illaa lix qodob oo ku aadan waxyaabaha ay ka wada-hadleen. Sidoo kale waxay ku ballameen in la qabto shirweyne guud oo u dhexeeyo labada dhinac, kaas oo looga hadlayo dib u jiheynta waxbarashada dalka. Qodobada lasoo saaray ayaa waxaa ugu muhiimsan:-In la joogteeyo kulamada u dhexeeyo wasaaradaha waxbarashada heer federaal iyo heer dowlad goboleed ee dalka. -In la qabto Shirweynaha dib u jiheynta waxbarashada dalka. -In dib u eegis lagu sameeyo sharciga waxbarashada dalka iyo siyaasada waxbarashada qaranka. The post Maamul goboleedyada iyo DF oo ku heshiiyey 6 qodob appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites