Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Ra’iisul wasaare Xamza oo maanta ka dagay BELEDWEYNE + Ujeedka

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa markale maanta ka dagay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyey.

Ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa oo ka yimid dhanka dowlad deegaanka Soomaalida ayaa waxaa garoonka Ugaas Khaliif uga hortegay madaxwweyne ku xigeenka maamulka HirShabelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) wasiiro, xildhibaanno iyo saraakiil ciidan.

Ujeedka safarka ra’iisul wasaaraha ayaa la xiriira dardar-gelinta howlgallada ka socda gobolka Hiiraan, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

“Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa ujeedada socdaalkiisu tahay xoojinta dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta iyo sidii loo dardar gelin lahaa dagaalka ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanku ay kula jiraan kooxda argagxisada ah ee gumaadka ku heysa shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu warka ka soo baxay xafiiska R/W Xamza Cabdi.

Sidoo kale waxaa horey magaalada Beledweyne ugu sugnaa wasiirada arrimaha gudaha, gaashaandhigga, haweenka, xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda dhexe.

Waa booqashadii labaad ee uu ra’iisul wasaare Xamza ku tegayo magaalada Beledweyne tan iyo markii uu qabtay xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Beledweyne ayaa xudun u ah kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana gudaha magaaladan ka socdo guluf xoogan, ayada oo dhanka kale Al-Shabaab ay weeraro ka fuliso waxaana u dambeeyey qaraxyadii is xig-xigay ee saddexdii bishaan ka dhacay halkaasi.

312352308_462936225935529_55268640447217 312327796_462936272602191_55186357833185 312336408_462936215935530_53761406097586 312333457_462936259268859_47888181275876

The post Sawirro: Ra’iisul wasaare Xamza oo maanta ka dagay BELEDWEYNE + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this