Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Joe Biden oo jawaab ka bixinaya tallaabadii ururka OPEC+

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha waddanka Maraykanka ayaa qorshaynaya in uu fasaxo illaa 15 milyan oo foosto oo shidaala in laga soo saaro goobaha kaydka ee Shidaalka Maraykanka.

Go’aankaas ayaa la sheegay in uu jawaab  u yahay tallaabadii uu qaaday ururka ay ku bahoobeen dalalka soo saara shidaalka ee OPEC+ kuwaas oo go’aansaday in marka la gaaro bisha Novemberay hoos u dhigaan wax soo-saarkooda.

Madaxweyne Biden ayaa sheegay in ay sidoo kale jiraan tallaabooyin lagu kordhinayo shidaalka uu Maraykanku iibgeeyo marka la gaaro xilliga Jiilaalka.

Maamulka Biden ayaa haatan isku dayaya in uu xakameeyo sicirka shidaalka ka hor doorashooyinka xilliga dhexe ee la filayo in ay Maraykanka ka dhacaan bisha November ee soo socota.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Joe Biden oo jawaab ka bixinaya tallaabadii ururka OPEC+ appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this