Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya sadex bilood kadib malaayiin Dollar ka heshay jaadka ay u dhoofiso Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
20221020638018330136772250.jpg

Kenya ayaa dhoofinta jaadka Miirowga ah ee loo iib-geeyo Soomaaliya waxay ka heshay lacag dhan $8 millon oo Dollar mudda saddex bilood gudahood ah.

Madaxa jaadka Miirowga iyo dalagya kale ee warshadaha Kenya Felix Mutwiri ayaa sheegay in Kenya ay Soomaaliya u dhoofisay in ka badan 1.4 millon kiilogaram oo jaad ah kadib markii labada dal dib ugu heshiiyeen dhoofintiisa.

“Waxaan ilaa hadda dhoofinay 1.46 milyan oo kiilogaram oo Miira ah tan iyo markii aan dib u bilownay suuqa Soomaaliya bishii Luulyo waxaana wali wadnaa wadahadallo lagu kordhinayo tirada maalmaha soo socda” ayuu yiri Mr Mutwiri.

Kenya ayaa kiilada Jaadka Miirowga ah ee Soomaaliya loo soo dhoofiyo waxay ka hesha lacag dhan $23 oo Dollar.

Dowladda Soomaaliya ayaa bishii July ogolaatay in jaadka Kenya loo soo dhoofiyo gudaha Soomaaliya kadib wada hadalo ay yeesheen madaxda labada dal.

Jaadka Kenya ayaa dowladda Soomaliya mamnuucday xilligii ay taagnayd xiisadda labada waddan ee ka dhalatay kiiskii badda Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Kenya sadex bilood kadib malaayiin Dollar ka heshay jaadka ay u dhoofiso Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this