Sign in to follow this  
Deeq A.

XOG: Madaxweyne Deni oo Villa Somalia taageero uga raadsanaya mudda kororsi uu wado

Recommended Posts

Deeq A.   
6.png

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa qorshaynaya in uu dhammaadka bishan October safar qarsoodi ah ku tego magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Deni ayaa maalmo kadib markii uu furo Kal-fadhiga 51-aad ee Baarlamanka Puntland waxa uu safar kooban oo qarsoodi ah ku tegi doonaa Muqdisho sida ay xogo hoose caddaynayaan.

Xogaha ayaa muujinaya in Madaxweyne Deni uu halkaas u tegi doono ajandayaal qarsoon oo salka ku haya mudda kororsi lagu dhex qarinayo dooraahooyinka qof iyo cod.

Wararku waxay sheegayaan in uu Madaxweynaha Soomaaliya ka dalban doono taageero si uu u hirgeliyo ajandayaashiisa ku dhex qarsoon doorashooyinka qof iyo cod.

PUNTLAND POST

The post XOG: Madaxweyne Deni oo Villa Somalia taageero uga raadsanaya mudda kororsi uu wado appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this