Sign in to follow this  
Deeq A.

DAAWO: Sanbaloolshe oo ammaanay beelo shalay gaarsiiyey saanad ciidan

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Bulshada magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel ee Galmudug ayaa shalay gurmad sahay ah, sida raashin, shar iyo saanad ciidan waxay u direen ciidanka xoogga iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ee Al-Shabaab kula dagaalamaya gobolka Hiiraan.

Gargaarkaas waxaa la gaarsiiyey Maxaas iyo Yasooman, waxaana lagu wareejiyey guddoomiye Cali Jayte iyo Xildhibaan Cabdullahi Sanbaloolshe.

Sanbaloolshe oo warbaahinta la hadlay ay si weyn ugu mahad celiyey dadka dega magaalooyinkaas oo gurmad iyo garab istaag u muujiyey, isagoo ku amaanay sidii ay mar hore isaga difaaceen argagixisada.

“Al-Shabaab waxay fasahaad ku hayeen deegaanka, markii aan ka xoreynay waxaa noo da’ay roob mahiigaan ah, waan ka nasanay, dhulka ay ku hareen weli roob kama di’in. Khawaarijta wadajir ayaan uga xoreyneynaa dhammaan gobollada dalka, yaan loo kala harin,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdullaahi Sanbaloolshe.

Wuxuu sheegay in gurmadka uga imaanaya magaalooyinka Matabaan, Guriceel iyo Dhuusamareeb ay si dhab u qaada doonaan oo abaalka beesha degta magaalooyinkaas aysan dagaal dambe ugu bedeli doonin.

“Haddii dadku deris yahay wax un ayey isku qabtaan, maanta dadka noo soo gurmaday ee reer Galmudug wixii horay u dhex maray xalay dhalay ha laga noqdo, waxaan leenahay hal hadaf, dhulkeenu wadajirka iyo wada noolaashaha ayuu ku macaanyahay,” ayuu yiri.

Xildhibaan Sanbaloolshe ayaa intaas ku sii daray, “Waxaa tihiin dadkii bilaabay inay Shabaab iska dhiciyaan, idinkoo dowlad iyo AMISOM aan gacan ka heleyn, dhulkiina ayaa ugu nabad badan dalka, hooyo ayaad u tihiin halgankaan.”

Hoos ka daawo

The post DAAWO: Sanbaloolshe oo ammaanay beelo shalay gaarsiiyey saanad ciidan appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this