Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogo hoose oo laga helayo Kulankii dhexmaray Puntland iyo Beesha Caalamka

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1666211109731.jpg

Faahfaahin hoose ayaa ka soo baxaysa kulankii maalin ka hor Garoowe ku dhexmaray xukuumadda Puntland iyo xubnaha Beesha Caalamka.

Warar lagu kalsoon yahay oo hadda soo baxaya ayaa sheegaya in xubnaha Beesha Caalamku ay diidma ka muujiyeen qodoba ku jira barnaamijka doorashooyinka qof iyo cod ee uu wado madaxweynaha Puntland.

Xubnaha Beesha Caalamka ayaa madaxda Puntland ku wargeliyay in aysan aqoonsanayn degmooyinka ay Puntland samaysay ee aan buuxin shuruudaha degmanimo.

Beesha Caalamka ayaa caddaysay in aysan taageeri doonin doorashooyin laga qabanayo meelaha aan buuxin shuruudaha degmanimo.

Sidoo kale waxay ka horyimaadeen qorshaha xukuumadda ku raadinayso in doorashooyinka qof iyo cod laga qabto degmooyin ka tirsan Gobolka Sool oo sida xubnaha Beesha Caalamku sheegeen ay ka jiraan muranno siyaasadeed.

Dhinaca kale Beesha Caalamka ayaa walaac ka muujiyay cilladaha ka muuqda barnaamijkan doorashooyinka oo ay ku jiraan is-marin-waaga ka dhex aloosan dowladda iyo siyaasiyiinta.

Ugu danbayn Beesha Caalamka ayaa ku boorrisay madaxda in doorashooyinkan noqdaan kuwa loo-dhanyahay islamarkaana dhammaan dhinacyadu heshiis ku yihiin.

PUNTLAND POST

The post Xogo hoose oo laga helayo Kulankii dhexmaray Puntland iyo Beesha Caalamka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this