Deeq A. Posted October 19, 2022 Qarax ismaadaamin ah oo ka dhacay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa lagu dilay goddoomiyihii dagmadaas Maxamed Nuur Cagajoof (Dabaashe) oo dhawaan xilkaas laga qaaday balse aan wareejin. Qaraxa oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa la sheegay in lagu weeraray xilli uu ka soo baxaayay hoyga uu ka dagan yahay magaalada Jalalaqsi, waxaana sidoo kale qaraxa ku dhintay askar ilaalo u ahayd guddoomiyaha iyo dad shacab oo ka ag dhawaa goobta. Qaraxa degamada Jalalaqsi ayaa dhacay, wax yar kaddib markii qarax lala eegtay buundada degmada Buulobarde, kaas oo buundada gaarsiiyay waxyeelo weyn. PUNTLAD POST The post Qarax ka dhacay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites