Sign in to follow this  
Deeq A.

Jeneraalka uu dhalay Madaxweynaha Uganda oo u jawaabay Aabihii

Recommended Posts

Deeq A.   

Jeneraalka uu dhalay Madaxweynaha Uganda oo u jawaabay Aabihii

Wiilka uu dhalay madaxweynaha waddanka Uganda, Janaraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa sheegay in “cidna aanay waxba ka mamnuuci Karin”, maalin uun kaddib markii aabihii, Madaxweyne Yoweri Museveni, uu amray inuu joojiyo inuu arrimaha dowladda kaga hadlo barta Twitter-ka.

I hear some journalist from Kenya asked my father to ban me from Twitter? Is that some kind of joke?? I am an adult and NO ONE will ban me from anything!

— Muhoozi Kainerugaba (@mkainerugaba) October 18, 2022

Hadalka madaxweynaha ayaa yimid kaddib markii farriimo uu Janaraal Kainerugaba soo dhigay Twitterka laba todobaad kahor ay muran badan dhaliyeen, kuwaas oo uu ku gooddiyay inuu duullaan ku geli doono waddanka dalkiisa dariska la ah ee Kenya, arrintaas oo horseedday raalli-gelin cad iyo kulamo diblumaasiyadeed si loo adkeeyo xiriirka ka dhaxeeya labadan dal.

Isniintii, madaxweynaha ayaa sheegay in janaraalka ay tahay inuu aad uga taxadaro “ka hadalka dalalka kale iyo siyaasadaha axsaabta ee Uganda” marka uu Twitterka wax soo dhigayo.

Hasayeeshee jawaab uu bixiyay saacado kaddib, ayuu Janaraal Kainerugaba waxa uu warkaas ku tilmaanay inuu “kaftan uun” iska ahaa.

Gen Kainerugaba ayaa lagu yaqaan inuu bartiisa Twitterka soo dhigo farriimo ay su’aalo badan ka dhashaan, oo ay ku jiraan inuu taageero u muujiyay duullaanka uu Ruushka ku galay waddanka Ukraine, iyo sidoo kale fallaagada Tigray ee la dagaallamaysa ciidammada Itoobiya.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this