Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Laba qarax oo ka dhacay Hiiraan iyo guddoomiyihii Jalalaqsi oo lagu dilay + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in kooxda Al-Shabaab ay laba qarax oo ismiidaamin ah ku bartilmaameedsadeen buundooyinka degmooyinka Buulo-burte iyo Jalalaqsi ee gobolkaasi.

Qaraxa koowaad oo ka dhacay agagaarka buundada Jalalaqsi ayaa waxa ku geeriyooday Guddoomiyaha degmada, Maxamed Cumar Dabaashe, sida ay baahisay warbaahinta dowladda.

Ciidamada ayaa rasaas ku furay gaariga oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa ka hor inta uusan gaarin buundada oo bartilmaameedka ugu weyn uu ahaa.

Sidoo kale qaraxa labaad oo ahaa mid aad u xoogan ayaa jugtiisa laga maqlay dhamaan xaafadaha degmada Buulo-burte, waxaana lasoo warinaya in uu ahaa gaari noociisu yahay Homey oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qaraxa.

Qaraxaan ayaa waxa lagu burburiyay qeyb ka mid ah buundada degmada Buulo-burte oo aheyd mid muhiim u ah isku xirka gobolada dhexe illaa Muqdisho.

Sidoo kale waxa jira khasaaraha dad dhimasho iyo dhaawac ku noqday qaraxa lagu burburiyey buundada, hase yeeshe illaa hadda si rasmi ah looma oga khasaaraha nafeed ee qaraxa uu geystay.

Sawiro laga soo qaaday halka uu qaraxa ka dhacay ayaa muujinaya in buundada ay ka go’aday dhex-bartankeeda, sidaas darteedna waxaa xiligaan aan mari karin wax gaadiid ah.

Qaraxaan ayaa wuxuu u muuqda mid ay Al-Shabaab ku rabtay inay ku kala jarto buundada degmada Buulo-burte, marka la fiiriyo halka gaariga Ismiidaaminta ah lagu qarxiyay oo aheyd dhex-bartanka buundada.

Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo masuuliyiinta maamulka degmada ayaa gaaray goobta qaraxa uu ka dhacay, illaa haddana majiro war kasoo baxay dhinacooda.

buundada.jpg buundada2.jpg buundada3.jpgFfcCQhQXoAEMgPc.jpeg FfcCQhLXoAIn0id.jpeg

The post DEG DEG: Laba qarax oo ka dhacay Hiiraan iyo guddoomiyihii Jalalaqsi oo lagu dilay + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this