Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab oo qarxiyay buundada degmada Buulobarde ee gobolka Hiiraan

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16661854640672481.jpg

Ururka Al-shabaab ayaa maanta qarax ku bartilmaameedsaday buundada degmada Buulobarde ee gobolka Hiiraan oo ah buundo muhiim ah oo isku xirta gobolada dhexe ee dalka iyo caasimadda Muqdisho.

Qaraxa waxaa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey waxyaabo qarxa, kaas oo buundada waxyeelo ba’an gaarsiiyey, sida ay muujinayay sawiro laga soo qaaday buundada oo lagu faafiyay baraha bulshada.

Ujeedka qaraxa ayaa ahaa sida warar sheegayaan in mid lagu doonayay in lagu jaro buundada degmada Buulobarde, wuxuuna ku soo aaday, xilli dagaalo ka dhan ah urur Al-shabaab ay ka socdaan deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan.

FB_IMG_16661858987192494.jpg FB_IMG_16661854640672481-1.jpg FB_IMG_16661856688502412.jpg

PUNTLAND POST

The post Al-shabaab oo qarxiyay buundada degmada Buulobarde ee gobolka Hiiraan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this