Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Soomaaliya oo loo diray casumaadda furitaanka dekedda Garacad

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1666158426475.jpg

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa loo diray casumaadda furitaanka wejiga kowaad ee dekedda Garacad.

Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida DDS Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) ayaa sidoo kale loo diray casumaadda ka qayb-galka furitaanka dekedda Garacad.

Mas’uuliyiin iyo ganacsato ka socda Jabuuti ayaa dhinaca kale lagu marti-qaaday furitaanka dekedda Garacad sida ay wararku sheegayaan.

Wejiga kowaad ee dekedda cusub ee Garacad oo muhiim u ah geeska Afrika ayaa lagu wadaa in la furo Sabtida todobaadka soo socda.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Soomaaliya oo loo diray casumaadda furitaanka dekedda Garacad appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this