Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda Garoowe oo xukun ka soo saartay kiiskii geed-quwaaxa

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamadda derejada kowaad ee Garoowe ayaa maanta xukun rasmi ah ka soo saartay kiiskii dhoofinta geed-quwaaxa.

Liibaan Cali Food oo ku eedaysanaa in uu gudaha Puntland keenay mashruuca dhoofinta geed-quwaaxa ayaa lagu xukumay laba sano oo xabsi ah.

Sida ay maxkamaddu sheegtay Liibaan waxaa lagu helay kiiskii uu ku eedaysnaa ee dhoofinta dhirta geed-quwaaxa.

Maxkamadda ayaa sidoo kale xorriyaddiisa u celisay Cabdiraxmaan Salaad Jawle kadib markii wax caddayn ah loo waayay in uu ku lug-laha kiiskan

Waxaase lagu ganaaxay lacag dhan $1000 Dollar oo lagu sheegay in uu sameeyay amar-diido taas oo ah in uu maxkamadda hor-imaan waayay.

PUNTLAND POST

The post Maxkamadda Garoowe oo xukun ka soo saartay kiiskii geed-quwaaxa appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this