Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Dowladda Itoobiya Oo TPLF Ka Qabsaday Saddex Magaalo Oo Istiraatiiji Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis Ababa)-Ciidamada Itoobiya ayaa qabsaday saddex magaalo oo ka tirsan gobolka waqooyi ee Tigray, sida ay dowladdu sheegatay salaasadii, waxaana laba ka mid ah magaalooyinkaas ay u dhow yihiin koonfurta magaalada caasimadda Tigray ee Mekelle.

Ciidamada Itoobiya iyo xulafadooda oo ay ku jiraan ciidamo ka socda dalka ay deriska yihiin ee Eritrea ayaa dagaal goos-goos ah kula jiray ciidammada Tigrayga muddo laba sanno ah, waxaana colaaddaas galaaftay kumanaan qof, malaayiin qofna ay ku barakiciyeen, halka boqolaal kun oo kalena ay qarka u saaran yihiin macaluul.

“Ciidanka ENDF (Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiya) waxay la wareegeen gacan ku haynta magaalooyinka Shire, Alamata, iyo Korem iyadoo aan dagaal ka dhicin,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Itoobiya.

Afhayeenka ciidammada Tigreega ayaan ka jawaabin codsi la xidhiidha hadalka dowladda, iyadoo dhinaca kale, maamulka Tigraygu ay qireen inay gacantooda ka baxday magaalada Shire oo ah magaaloo istiraatiiji ah, oo ku taalla qiyaastii 140 km (90 mayl) waqooyi-galbeed ee Mekelle.

Shire waxay leedahay garoon diyaaradeed waana mid ka mid ah magaalooyinka ugu waaweyn gobolka. Waxay magaaladan martigelisaa tobannaan kun oo qof oo ka barakacay degaannada kale ee colaaduhu ka jiraan.

Mid ka mid ah dadka deggan magaalada Mekelle ayaa sheegay in dadku ay ku yaaceen goobaha laga adeegto, si ay usoo iibsadaan, una kaydsadaan waxyaabaha aasaasiga ah, iyadoo ay sii kordhayso maciishaddu iyo cabsida laga qabo in ciidammada federaalka iyo kuwa Eritrea ay yimaadaan magaaladaas.

Colaada Tigreega ayaa salka ku haysa loolan dheer oo u dhexeeya kooxaha awoodda ku leh gobolka, kaas oo ku saabsan cidda la wareegeysa tallada Itoobiya, iyo sidoo kale ismaandhaaf hoose oo salka ku haya sidii la isugu dheeli tiri lahaa awoodaha dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.

Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo dhowr sarkaal oo Maraykan ah, Madaxda dowladda ayaa dhamaantood ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah, in la bilaabo wadahadallo ay gadh-wadeen ka yihiin Midowga Afrika iyo in ciidammada Eritrea laga saaro Itoobiya.

Reuters.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this