Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Soomaaliya oo ballan-qaad muhiim ah ka heshay dowladda Belgium-ka

Recommended Posts

Deeq A.   

Brussels (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shalay la kulmay dhigiisa dalka Belgium, Marwo Eliane Tillieux oo ayadu ku soo dhaweysay xarunta baarlamaanka ee Brussels.

Kulanka labada masuul ayaa waxaa looga wada-hadlay horumarinta iyo tayada howl-wadeenada baarlamaanka Soomaaliya iyo weliba iskaashiga dhanka aqoonta, oo qeyb ka yihiin xildhibaanada.

“Gudoomiyaha Golaha Wakiilada dalka Belgium Marwo Eliane Tillieux, ayaa wafdiga uu hoggaaminaayo Gudoomiyaha Golaha Shacabaka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uga mahadcelisay inay booqda xarunta baarlamaanka Belgium,” ayaa lagu yiri qoraal laga soo saaray kulankaan.

Marwo Eliane Tillieux ayaa sidoo kale waxay dhankeeda ballan-qaaday in la xoojin doono xiriirka saaxiibtinimadda labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Belgium-ka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdigiisa ayaa uga mahad-celiyay soo dhaweynta ballaaran ee loo sameeyey, wuxuuna ballan-qaaday inay ka wada shaqeeyaan horumarinta baarlamaanka.

312234274_427194089591232_41932479623305 312155554_427194129591228_74265893325529 312237563_427194162924558_82426343011839 312244024_427194192924555_20191668708664

The post Sawirro: Soomaaliya oo ballan-qaad muhiim ah ka heshay dowladda Belgium-ka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this