Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Beesha caalamka oo cadaadis ku billowday Deni iyo shir ka dhacay Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta shir-guddoomiyey Shirweyne ay Beesha Caalamka iyo Dowladda Puntland isugu yimaadeen, kaasi oo ay kasoo qeyb-galeen wafdi ka socda saaxiibada Soomaaliya ee caalamka.

Kulankan ayaa sida aan xog ku helnay waxaa ujeedkiisu ahaa in madaxweyne Deni lagu cadaadiyo qabashada iyo dhameystirka doorashada Goleyaasha deegaanka ee Puntland.

Wafdiga oo uu hogaaminayo ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa waxay qeyb ka yihiin Safiirada Maraykanka, Ingiriiska, Sweden, Midowga Africa, Midowga Europe, Norway iyo IGAD.

Kulankaan ayaa waxay dhinacyadu uga wada-hadleen doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee dhawaan ka dhacaya degmooyinka Puntland, ayada oo guddiga doorashooyinka Puntland TPEC uu shirka la wadaagay meesha wax u marayaan iyo farsamo ahaan inay diyaar u tahay qabashada doorashada goleyaasha deegaanka.

Sidoo kale waxay xukuumadda soo bandhigtay tallaabooyinkii dardar-gelinta ah ee ay qaaday iyo inay ka go’antahay in dhacdo doorasho Gole deegaan oo ku dhacda jawi ku xasiloon, loo dhan yahay laguna tartami karo.

Wakiillada Beesha Caalamka ayaa dhinacooda waxay muujiyeen inay ka go’an tahay taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo ay la garab taagan yihiin hirgelinta nidaamka doorasho ee goleyaasha deegaanka ee Puntland.

“Waxaa la isla qaatay Doorashada Goleyaasha deegaanka ee Puntland in ay muhim u tahay, daadejinta awooda iyo kheyraadka iyo hirgelinta nidaamka Federaalka ah ee Soomaaliya, hadii ay Puntland ku guuleysatona waxay noqon karta wax Soomaaliya laga hirgelin karo,” ayaa lagu yiri qoraal ay Madaxtooyada Puntland kasoo saartay kulankaan.

Sidoo kale madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland iyo Wakiilada Beesha Caalamka ayaa wada-yeeshay kulan gaar ah oo looga hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya gaar ahaan arrimaha Puntland, sida Amniga, Abaaraha, Dowlad wanaaga iyo Mashaariicda horumarin.

310551703_659667548848924_74362979968750 Deni-James-Swan.jpeg 310439422_659667922182220_78308922176576 310989986_659668012182211_17516999522239 311859889_659668185515527_51429048166156 311572311_659668462182166_86763534891005 310483833_659668952182117_72188153718736 Karaash.jpeg 310682224_659669358848743_33071292409970 311937342_659660192182993_63335172527380 311693814_659660292182983_52160357567058 Deni.jpeg 311466389_659662582182754_22808899586491 Deni-2.jpeg

The post Sawirro: Beesha caalamka oo cadaadis ku billowday Deni iyo shir ka dhacay Garoowe appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this