Sign in to follow this  
Deeq A.

Askar ka tirsan ciidanka nabad ilaalinta ee QM oo lagu dilay MALI

Recommended Posts

Deeq A.   

Bamako (Caasimada Online) – Ugu yaraan saddex askari oo ka tirsanaa ciidamada nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay oo u dhashay dalka Chad ayaa lagu dilay dhinaca woqooyi ee dalka Mali, ka dib markii ay ku qaraxday miino wadada dhinaceeda loogu aasay.

Sidoo kale waxaa jira in tiro kale oo ka mid ah ciidanka QM ay soo gaareen dhaawacyo halis ah, sida ay ku warrantay warbaahinta maxalliga ah.

Dhimashada askartan ayaa ku soo beegmaysa, hal maalin uun ka hor, inta aanu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay shir gaar ah ka yeelan hawlgalka Mali, kaas oo ah, hawlgalkii ugu khatarta badnaa ee Qaramada Midoobay hoggamiso, xattaa ka hor intii aanay ciidamada Faransiisku ka bixin dalka Mali.

Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay oo lagu magcaabo Stephane Dujarric ayaa sheegay in saddex askari oo kale oo ka tirsan ciidamada nabad ilaalintu inay six un u dhaawacmeen, kuwaasoo lagu daawaynayo cusbitaal ay leedahay Qaramada Midoobay.

Goobta miinadu kula kacday ciidamada nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay ayaa illaa 10 KM u jirta magaalada Tessalit ee gobolka Kidal.

Kooxaha Islaamiyiinta ayaa gobolkan saamayn ku leh, iyaga oo walxaha qarxa dhulka ku aasa.

The post Askar ka tirsan ciidanka nabad ilaalinta ee QM oo lagu dilay MALI appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this