Sign in to follow this  
Cowke

RBC News-Leak: Omar Abdirashid Sharmarke To Be Renamed Prime Minister

Recommended Posts

Cowke   

XOG MUHIM AH: Cumar C/rashiid oo Dib Loo Soo Magacaabi Doono iyo Aadan Madoobe oo Wasiir La Siiyey

 

Muqdisho (RBC Radio) Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku dhow xafiiska madaxweynaha dowlada ku meel gaarka Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa shaaca ka qaaday in madaxweynuhu markale dib u soo magacaabi doono Cumar C/rashiid Cali Sharma’rke.

 

Xog RBC Radio ka heley xarunta madaxtooyada ayaa shaaca ka qaadaysa in madaxweynaha uu waday saacadihii u dambeeyey ee khilaafka xoogani uu soo kala dhexgalay dowlada masuuliyeenteeda uu ku qanciyey Cumar C/rashiid in uu dib u soo magacaabi doono sidaasi darteedna uu ka aqbalo inuu xukuumadiisa kala diro.

 

Go’aankaasi waxaa madaxweynaha iyo Cumar C/rashiid ay wada gaareen saacadihii la soo dhaafay, ka dib markii gudoomiyihii hore ee barlamanka Sheekh Aadan Madoobe uu shaley ku dhawaaqay in xukuumadii Cumar C/rashiid ay dhacday, isla markaana xaalad cakirnaan ah ay gashay jirintaankii xukuumada Cumar C/rashiid hogaaminayey.

 

Sarkaal aad ugu dhow xafiiska madaxweynaha oo ku sugnaa Villa Soomaaliya habeenkii xaley [ 16-05-2010] markii ay kulan albaabada u xirnaayeen ay wada qaateen madaxweynaha iyo Cumar C/rashiid ayaa u sheegay wariye ka tirsan RBC in madaxweynuhu uu ka dhaadhiciyey mudane Cumar C/rashiid inuu ka war dhowro isbedelka cusub ee dowlada, hase yeeshee ay tahay in marka hore la kala diro xukuumada oo dhan si meesha looga saaro khilaafkan oo haddii aan go’aan deg deg ah laga qaadan sababi kara in xubnaha ugu sareeya dowlada ku meel gaarka uu kala geeyo.

 

Madaxweyne Shariif ayey soo food saartay labo daran mid dooro ka dib markii ay si kulul isu weerareen Cumar C/rashiid iyo Aadan Madoobe oo kala hogaaminayey labo ka mid ah hay’adihii ugu muhimsanaa dowlada Soomaaliya taasi oo xaqiiqo ahaan khalkhal siyaasadeed oo culus gelisay dowlada oo dhan. Laakiin sarkaalkaasi ka tirsan madaxtooyada ayaa sheegay in hadda xaalada ay caadi ku soo noqon doonto ka dib markii uu madaxweynuhu qaatay go’aankii lagu riday gudoonkii barlamanka iyo raisul wasaaraha iyo xukuumadiisa oo dhan taasi oo naruuro iyo jiho cusub looga furayo xannuunka soo wajahay dowlada.

 

Sheekh Shariif wuxuu ka faa’ideystay:

 

- Qorshaha ugu weyn ee madaxweynaha ayaa ah in maadaama la filayey isku shaandheyn lagu sameeyo xukuumada markaasi ay haboon tahay in xukuumada la kala diro ka dibna raisul wasaare loo magacaabo uuna soo dhiso xukuumad ay ku jiraan ururka Ahlu Sunna iyo shakhsiyaad kale oo siyaasada lagu yaqaanay.

 

- Arin kale oo muhim ah ayaa ah in madaxweyne Shariif maskaxda ku hayo habkii beelaha ee 4.5 ee lagu qeybsaday jagooyinka sare ee dowlada, taasi oo aan marnaba laga tallaabsan karin, waxaana xusid mudan in kulankii xaley ee ka dhacay madaxtooyada iyo wada tashiyo kale oo Sheekh Shariif la yeeshay la taliyaashiisa gaarka ah ay ku wargeliyeen inay adag tahay in mudo gaaban lagu raadiyo raisul wasaare cusub (oo dabcan laga keenayo beesha ******* oo hadda heysa jagada raisul wasaaraha). Waxaana madaxweynaha la tusaaleeyey in halkaasi ay kaga dhow dahay in mudane Cumar C/rashiid markale dib loo magacaabo.

 

- La taliyaasha madaxweynaha waxay kaloo tilmaameen in sidoo kale ay xusid mudan tahay in mudane Cumar C/rashiid iyo Sheekh Shariif ay is fahmi karaan iyadoo laga tusaale qaadanayo mudadii sanadka iyo barka ahayd ee uu xilka hayey oo aysan wax khilaaf ah oo banaanka yimid soo kala dhexgalin labadooda (Cumar C/rashiid iyo Sheekh Shariif) taasina ay tahay arin qadarinteeda leh.

 

- Taliyaasha ayaa sidoo kale cadeeyey in dastuurka KMG uu awood u siinayo madaxweynaha inuu mar labaad soo magacaabi karo hal raisul wasaare xitaa haddii uu kalsooni ka waayo barlamanka ama xukuumada ay dhacdo.

 

- Waxaa intaasi dheer in ergeyga gaarka ee Qaramada Midoobay Axmed Walad Cabdalla oo ah Engineerka naqshadeeyey dowladan lagu soo dhisay Jabuuti sanadkii 2009 uu isaguna ku cadaadiyey madaxweynaha inuu aad uga fiirsado go’aankiisa. Axmed Walad Cabdalla ayaa na loo xaqiijiyey inuu saacado badan xaley telefoon ay ku wada hadleen Sheekh Shariif.

 

Dhinaca kale Sheekh Aadan Madoobe oo illaa xaley markii la sheegay in xilkii gudoomiyaha ay ka qaadeen xildhibaanada waday la tashiyo uu madaxweynaha la yeelanayo ayaa isaguna lagu qanciyey in la siinayo wasiir, sidaasi darteedna uu ka tanaasulo jagada gudoonka barlamanka madaamaa la isku qabsaday.

 

Madaxweyne Shariif iyo xubno aad ugu dhow Sheekh Aadan Madoobe ayaa intuba ku cadadiyey Sheekh Aadan Madoobe inuu ka baxo sheegashada xilka gudoomiyaha barlamanka, maadaama ay tahay meel khilaafkeedu batay isla markaana had iyo jeer la isku heysto, waxaana laga dhaadhiciyey in taasi bedelkeeda uu qaato jago wasiir oo uga dhib fududaan doonta mida gudoonka barlamanka oo lagu mucaaraday.

 

Waxaana Sheekh Aadan Madoobe oo aqbalay ballanqaadkaasi uu ku dhawaaqay inuu xilkii iskiis isaga casilay. Laakiin waxaa xusid mudan in mudanayaal badan oo ka mid ah barlamanka oo la kulmay wariyaha RBC ay wax lala yaabo ku tilmaameen hadalka Sheekh Aadan Madoobe oo ay sheegeen in isagoo shaley ‘xilka laga qaaday’ uu maanta yiraahdo waan is casilay!.

 

Dadka siyaasada indhadheeya ayaa ku tilmaamay go’aankii Sheekh Shariif ee kala dirida xukuumada uu ahaa mid laga taxadaray madaama ay arintu meel adag gaartay, loona baahnaa go’aan adag oo miyir leh, Waxaana sida ka muuqata go’aankan uu ahaa mid la doonayey in Sheekh Shariif uu dhinac kasta ku qanciyo si uusan u kala ceyrin saaxiibadiis!.

 

Sida RBC Radio xog hoose ku soo gaartay waxaa aad loo hadal hayaa in xubnaha golaha wasiirada cusub ay noqon doonaan kuwo aad uga yar kuwa haatan jira oka badan 30 wasiir, waxaana taasi looga gol leeyahay in xukuumadu noqoto mid kooban oo tayo leh isla markaana la maareyn karo.

 

Waxaa sidoo kale jagooyinkooda heli doona xubnaha ururka Ahlu Sunna ay ugu talagaleen golaha wasiirada cusub oo hadda fursadii lagu siin lahaa ay soo baxday.

 

Waxaana la filayaa in magacaabista raisul wasaaraha lagu soo beego ka dib shirka ka dhici doona magaalada Istanbul ee dalka Turkga halkaasi oo kulan looga hadlayo arimaha Soomaaliya lagu qabanayo mudada u dhexeysa 21 illaa 23 bishan May, shirkaasi oo wafdi uu hogaaminayo Sheekh Shariif ay ka qeybgali doonaan.

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Cumar C/rashiid oo Kulan La Qaadanaaya Wasiiradiisa hore

May 18, 2010

 

 

Ra’isulwasaarihi hore Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa kulan la qaadanaaya Wasiiradiisa hore,saacado ka dib markii uu Madaxweyne Sheikh Shariif kala diray Xukuumadiisa.

 

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay sheegaayan in Cumar C/rashiid uu isugu yeeray dhamaan Wasiiradiisa hore isla markaana uu maanta kulan gaar ah kula qaadan doono hoygiisa,waxaana halkaas kusii qulqulaaya Wasiiradii hore.

 

Ilo lagu kalsoonyahay ayaa waxaa ay sheegaayan in kulanka uu yahay mid looga hadli doona go’aanka Madaxweyne Sheikh Shariif uu maalinimadii shalay ku dhawaaqay oo uu ku kala direy xukuumadii Cumar C/rashiid.

 

Kulanka ayaa sidoo kale la leeyahay in ay macquul tahay in Cumar C/rashiid uu kasoo horjeesto go’aanka Madaxweyne Sheikh Shariif oo iminka ku howlan soo xulista Ra’isulwasaare cusub.

 

Dhanka kale waxaa soo baxaaya warar sheegaaya in habeenimadi xalay Madaxweyne Sheikh Shariif uu kulan la qaatay Cumar C/rashiid kaas oo la sheegay in looga hadlaayay kala dirista Xukuumada,waxaana aan jirin wax faahfaahin buuxda oo laga helaayo kulankaasi.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Good news. Omer is a cool and serene guy, the kind of person Somalia needs. Bad for him to have such a lousy president though.

 

Adan Madoobe doesn't deserve to be a watchman let alone a Minister.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

^^ Nonsense. The man needs to make some waves (like Geedi and Nur Cade did). He was (and will be) a bad Prime Minster.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this